Koox kubadda cagta ciyaartah oo soomaali ah kana dhisan Göteborg oo 8 ka mid ah xukun ku dhacay

16

Sida uu jimcadii qoray website magaciisa la yiraahdo realisten,waxaa xukun iskugu jirah xarig iyo adeeg bulsho lagu xukumay 8 ka mid ah koox kubada cagta ciyaartah oo soomaali ah  saldhigooduna yahay magalaada Göteborg. Dhalinyaradaan laxukumay oo u ciyaarah koox magaceeda la yiraahdo Somaliska SK ayaa waxaa la sheegay in intii lagu guda jiray dayrtii ina dhaaftay ay dhac, hanjabaad iyo jirdilba u geysteen dhinyaro kale oo swedish ah, waxaan warbixintu si gaar ah u tilmaantay laba gabdhood iyo wiil markii la dhacahayey dhibaato la gaarsiiyey oo madaxa dhagax lagala dhacay.

Ciyaartoygaan la xukumay oo da’doodu u dhaxayso 19 ilaa 16 waxaa  3 ka mid ah lagu xukumay min3 bilood oo xarig ah, hal mid oo kamid ahna in halsano lagu hayo goobaha da’yarta lagu xanaaneeyo oo lagu dhaqan toosiyo halka mid kalana 8 bililood lagu hayn doono isla halkaas da’yarta lagu xanaaneeyo.  Sadexda ugu dambiga yar ayaa ayana labo ka mid ah lagu xukumay min 130 saacadood oo ay ka shaqayn doonaan goobaha dhalinyarada halka kan kalana 200 oo saacadood uu ka shaqaydoono isla adeegyada dhilinyarada wax loogu qabanayo.  Website-ka warbixintaan qoray maanu sheegin goorta  xukumku dhacay iyo goobta uu ka dhacay toonah .

Dhalinyarada soomaliyeed oo waalidkood kala soo cararay dagaalada iyo mustaqbal la’aanta mudada dheer ka jirtay wadankoodii ayaa  waxaa looga fadhiyaa  in ay wax qabsadaan oo ay fursada ay heleen ka faa’iideystaan. Hadiise ay dhibaato kula kacaan dadkii soo dhaweeyey waxay taasi sawir xun ka bixinaysaa guud ahaanba soomaalida waxayna dhalin kartaa in si xun loola dhaqmoh guud ahaanba bulshada soomaliyeed ee Sweden ku nool oo hadaba ka sheegatah in la faquuqo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here