Göteborg: Safiirka Maraykanka oo ka qayb galay kulamo looga hadlayo Soomaalida

11

Waxaa waqtiyadii ugu danbeeyey caado ka noqotay wadankan Sweden shirar iyo kulamo looga hadlayo xaaladda iyo arimaha dadka Somalida ee ku dhaqan wadankaan. Dadka ka hadlaya ama ka taliyaana aysan ahayn dadka ay qusaysay ama aan ehel u ahayn aqoonna u lahayn Somalida balse ay ka qeyb galeen dad sheegta inay yihiin kuwo aqoon u leh dadka Somalida. Taasoo ay keentay midnimo la,aanta iyo kala daadsanaanta dadka somaliyeed oo aan lahayn hogaan si guud u matala.

Shirarkaasi kuwii ugu danbeeyey waxaa ka mid ahaa laba shir oo isbuucaan ka dhacay magaala madaxda labaad ee Gothenburg wadankan Sweden. Labadaas shir mid waxaa soo qabanqaabiyey hayadda isku xirka iyo dhaqaalaha ee gobolkan. Iyo kan labaad oo uu soo qabanqaabiyey maamulka gobolkan iyo Ambassadoorka maraykanka u fadhiya wadankan Sweden ee magaalada Stockholm.

Labadaas shirba waxaa arimaha Somalida uga qayb galay ama lagu casuumay Eng: Aliyare Gaani Abdi oo ah maamulaha shirkadda guryaha Gardstens bostad ee magaaladan Gothenburg ahna Guddomiyaha ururka Somali Skandinavian Association.

Shirka koowaad ayaa waxaa looga hadlayey arimaha Somalida cusub ee joogta dalka iyo ehelkooda loo keenayo ama imanaya sidii loogu heli lahaa degaan, caafimaad iyo waxbarasho gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada iyo sidii ay u dhexgeli lahaayeen dadka iyo systemka wadanka. Waxaa kaloo looga hadlayey sidii kuwa jooga wadanka loogu samayn lahaa shaqo. Waxaa kaloo si aada looga hadlayey dhibaatada ay keentay kala maqnaanshaha iyo kala fogaanshaha ehelada iyo ilahooda kala maqan oo noqotay dhibaatada ugu balaaran ee haysata dadka somalida.

Shirka labaad waxaa soo qabanqaabiyey maamulka magaaladan Göteborg iyo ambassadoorka Maraykanka u fadhiya wadankan Sweden Mr Marek Brizezinski iyo haayadda is dhexgalka magaaladan (Integrations rådet). Shirkaan ayaa isagana waxaa looga hadlayey habka ay ula macaamilaan maamulka gobolku dadka ajnabigaa gaar ahaan dadka somalida. Waxaa shirkan inta badan looga hadlay arimaha Somalida iyo siday ula dhaqmaan maamulka gobolku. Danjiraha ayaa ku dheeraaday systemka wadanka sweden sida ay u adagtahay inay dadka ajnabiga ahi usoo dhex galaan gaar ahaan Somalida, meesha ay haday tagaan wadamada Amerika iyo Canada lagu yiraahdo kusoo dhowaada wadankiina marka ay iska soo dhiibaan ama kasoo galayaan xaduudaha ama airpoorada wadamadaasi.  Halka Sweden laga weydiiyo su,aalo aad dadka u argagax geliya. Arintaas ayaa dadkii kasoo qayb galay shirka aad ugu riyaaqeen maadaama ambassadoorka hadalkiisa uu taabanayey runta.

Danjiraha waxuu kaloo sheegay inay dadka Somaliyeed yihiin dad aktiv ah ama firfircoon xag walba oo aad u dadaala. Tusaale waxuu usoo qaatay inuu booqasho u tagey magaalda Minneapolis ee USA dhowr asbuuc ka hor una u kuur galayey xaaladda dadka Somalida ee ku dhaqan Amerika waxuuna sheegay inay somalidu yihiin dad aad u ganacsada aadna uga qaybqaata horumarka dalka Maraykanka.
Waxuu kaloo sheegay in bishii oktober 2012 ay 6 dhalinyaro somaliya ay ka qalin jebiyeen kuliyadda waxbarashada Poliska magaalada Minneapolis oo keliya taasna ay ku tusaydo qaladka inuusan ahayn Somalida deggan Sweden balse uu jiro culays ka haysta Somalida systemka wadankan Sweden.

Shirka ayaa waxaa lagu soo gunaanaday inay Sweden wax ka bedesho arimaha is dhexgalka bulshada oo ah mid aad u adag inay soo dhexgalaan dadka wadanka ku cusubi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here