Xaflada xiritaanka Iskuulada & kaniisadaha

5

Xafladaha xiritaanka iskuulada ayaa lagu soo roggay shuruud cusub oo ka mamnuucaysa in ay arimaha diimaha soo galiyaan haddii xaflada lagu qabanayo kaniisadaha. Madaxa haya’da qaabilsan arimaha iskuulada Anna Ekström ayaa wargeyska DN ku qortay in iskuulada loo ogolyahay in xaflada ay ku qabtaan kaniisadaha balse ay mamnuuc ka tahay in ay goobta ka sheegaan wax ku saabsan diinta ama ilaahay ama Ciise.

Sababta ayay ku sheegtay in iskuulada Sweden ay ka madax banaan yihiin arimaha diimaha. In aan la doonayn in caruurta lagu dhiiri galiyo diin gaar ah. Xiligii hore ayay caado ahayd in kaniisadaha lagu qabto xiritaanka iskuulka iyadoo markaas caruurta loo akhrin jiray warbixino ku saabsan diinta Kiristaanka.

Sharcigaan cusub ayaa jahwareer ku abuuray baadariyaasha kaniisadaha Sweden maadaama laga mamnuucay in ay ka hadlaan wax diinta ku saabsan iyadoo kaniisadooda lagu qabanayo xaflada xiritaanka.

Arintaan ayaa ah mid u wanaagsan ardada iyo waalidiinta Muslimiinta ah oo markii hore dhibaato ku qabay xafladaha lagu qabanayo kaniisada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here