Soomaali lagu qiyaamay in ay saxiixaan heshiis koronto

12

Qoysas Soomaali ah oo ku nool tuulo lagu magacaabo Bräcke oo ku taala waqooyiga Sweden ayaa lagu qiyaamaday in ay saxiixaan heshiis koronto oo 2 sano ah. Wargeyska LT oo arintaan wax ka qoray ayaa sheegay in 8 famil oo aan waxna qorin waxna akhrin kana soo jeeda Somaliya ay qalinka ku duugeen heshiis koronto oo aysan fahmin.

Shaqaale ka socda labo shirkadood oo lagu magacaabo EON iyo Telge Energi ayaa albaabada ku garaacay familada Soomaalida oo la sheegay in ay qaasatan raadsadeen guryaha ay ku qoranyihiin magacyada Soomaalida oo keliya. Siday  ay isku fahmeen laba cadayn balse Soomaalida ayaa la sheegay in ay saxiixeen heshiiska. Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa xitaa heshiis la saxiixday labada shirkadoodba taasoo la yaab ku noqotay shaqaalaha la shaqeeya Arbetsförmedlingen.

Shirkadahaan ayaa lagu eedeeyay in ay ka faa’ideysteen dadka wadanka ku cusub oo aan luuqada garanayn. Soomaalida dhacdadaan ku dhacday ayaa hada waxaa caawinaya shaqaale la shaqeeya Xafiiska Shaqada sidii ay uga noqon lahaayeen heshiiska ay sida aqoon la’aanta ah ku galeen.

Arintaan ayaan ahayn mid cusub oo lama tiro koobi karo inta aan la kulmay Soomaalida heshiis aysan fahmin iska saxiixay ama internetka wax ka dalbaday iyagoon fikrad fiican ka haysan. Dadka qaar ayaa sidoo kale waxay heshiis ku galaan marka telefoonada ay ka soo wacaan shirkada wax xayaysiiya.

Waxaa muhiim ah in aad ogaato in aadan saxiixin heshiis aadan fahmin. Dadka ogaal la’aanta ku saxiixa heshiisyada ayaa ugu dambeyn ku dhacaya Hay’ada Kronofogden oo mustaqbalka uga ciyaaraysa. Haddii lagugu qiyaamo in aad heshiis ku gasho qadka telefoonka ama internetka waxaa kuu furan 14 maalmood oo aad si xor ah uga noqon karto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here