Soo galootiga oo helaya shaqo xilliyeed

4

Iyadoo uu hada bilaabanayo xiliga barafka ayaa magaalooyinka ku yaala goobaha loo dalxiis tago xiliga jiilaalka waxaa ka soo ifbaxaya fursado shaqo oo ay helayaan dadka soo galootiga ah. Kamuunka Malung-Sälen oo ku yaala xuduuda Norway ayaa ka mid ah goobaha ay ka furmayaan fursadaha shaqada inta lagu jiro xiliga barafka.

Malung-Sälen ayaa ka mid ah goobaha Sweden loogu dalxiiska badanyahay xiliga barafka iyadoo kumanaan qof oo ka socda daafadaha Sweden iyo caalamka ay halkaasi u tagaan si ay ugu damaashaadaan barafka. Hoteelada iyo goobaha laga cunteeyo ayaa waxaa ka furmaya fursado shaqo oo balaraan.

Abdinaasir Abdirashid oo ka mid ah shaqaalaha Arbetsförmedlingen-ka iyo komuunka Malung-Sälen ayaa ii sheegay in hada ay shaqo bilaabayaan qaar ka mid ah soo galootiga ka soo jeeda Somalia, Eritrea, Ethiopia iyo Tunisa- Iyadoo wada shaqayn dhexmartay shirkadaha shaqada iyo Arbetsförmedlingen lagu dhameeyay in tiro soo galooti ah ay goobaha dalxiiska ka shaqeeyaan mudo 6 bilood ah. Dadka shaqaynaya ayaa la siinayaa tababar gaaban oo lagu barayo hawsha ay qabanayaan.

Kulan ay qaateen shirkadaha shaqada iyo soo galootiga ayaa lagu lafo guray hawsha nuuca ay noqon doonto, shuruudaha iyo mushaarka la bixin doono. Shaqooyinkaan ayaa la sheegay in ay u badanyihiin kuwa xamaalka iyo shaqada maqaayada iyo hoteelada.

Soomaalida qaar ayaa dhibaato ku qaba shaqooyinka maqaayada iyadoo ay dhacday dhowr jeer in Soomaali shaqo laga siiyay maqaayado ay shaqadii diideen maadaama goobahaas lagu iibiyo qamriga iyo hilibka doofaarka. Hadaba in ay qaadan doonaan shaqooyinka Jiilaalka ee ka furmay goobaha la mid ka ah Malung-Sälen ayaa ah mid la arki doono.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here