Obama oo guuleystay iyo shacabka Sweden oo soo dhaweeyay

7

Madaxweynaha maraykanka Barack Hussein Obama ayaa markii labaad ku guuleystay doorashada madaxtinimad wadankaas isagoo si waadix ah uga adkaaday tartmaha xagjirka ah ee ka tirsan xisbiga Jamuuriga Mitt Romney.

Obama ayaa helay cododka gobolada 303 halka Mitt Romney uu halay 206 cododka gobolada maraykanka. Mitt Romney ayaa qirtay in looga adkaaday doorashada isaga oo sheegay in uu u ducaynayo Obama in uu wadanka mideeyo oo uu la shaqayn doono. Doorashada ayaa ahayd mid aad u kulul oo cododka dadweynaha ayay labada nin kala heleen tiro aad isugu dhow.

Shacabka Sweden ayaa doonayay oo soo dhaweeyay doorashada Obama. Swedishka ayaa lagu yaqaanaa in ay aad u taageeraan Obama maadaama ay yihiin dad siyaasadooda ay u janjeerto dhinaca bidixda. Shacabka Sweden ayaa muujiyay in aysan jeclayn ninka lagu magacaabo Romney maadaama uu u muuqday nin khatar ah oo dagaalo cusub ka abuuri kara aduunka.

Obama ayaa afartii sano ee uu xilka hayay sameeyay isbedalo siyaasadeed oo wadankiisa ah balse marka laga hadlo arimaha dibada ayuusan wax badan ka duwanayn madaxweynayaashii hore ee Maraykanka. Obama ayaa siyaadiyay weerarada uu ka geysto wadamada Muslimiinta isla markaana aan waxba ka qaban arinta Falastiin isagoo taageero weyn u muujiyay dowlada Israel inkastoo xiriirkooda uusan sidaa u wanaagsanayn.

Dhinaca Somalia ayaa Obama qeyb ka qaatay taageerada Dowlada Somalia iyo bixinta qarashka ciidamada Amisom ee ka dagaalama Somalia. Obama ayaa muhimad ka dhigay wadamada Somalia iyo Yemen balse sheegay in uusan ciidamo uu leeyahay uusan u diri doonin wadamadaas.

Afarta sano ee soo socota ayaan la filayn in Obama uu samayn doono waxyaabo ka duwan wixii uu sameeyay afartii sano ee la soo dhaafay, qaasatan arimaha dibada. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka wanaagsanyahay ninka cadaanka ah ee laga adkaaday oo ah nin xagjir ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here