Laanta Socdaalka Sweden oo badashay aragtideeda ku aadan Somalia

29

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa soo saartay warbixin cusub oo la wada sugayay taasoo ku saabsan xaalada Soomaaliya. Aragtidii iyo qaabkii ay Soomaalida ku qaabili jirtay Sweden ayaa wax laga badalay sida lagu sheegay warbixinta.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in xaalada koonfurta Somaliya oo ay ku jidho Muqdisho ay soo hagaagtay oo hada uusan ka socon dagaal sokeeye balse wali ay jiraan dhibaatooyinka kale. Sidaa darteed ayaa Laanta Socdaalka waxay wax ka badashay qaabka loo qaabilayo Soomaalida magangalyada ka dalbata Sweden oo hada ka dib aan horay sharciga laga siin doonin. Qofkasta ayaa lagu qiimeyn doonaa dhibaatada uu sheegto.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa Laanta Socdaalka waxay sharciga Soomaalida ku siin jidhay haddii ay cadeeyaan in ay ka yimaadeen koonfurta Soomaaliya qaasatan Muqdisho oo keliya balse hada ka bilaabata ayaysan micno lahayn halka qofku uu ka yimid balse ay muhiimada siinayaan qofkaan dhibaatada uu sheeganayo.

Si kastaba ha ahaatee Laanta Socdaalka ayaa warbixinteeda ku celcelisay in wali ay Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin sidaa darteedna loo baahanyahay in qofkasta si wanaagsan loo baaro kiiskiisa. Waxay sheegeen in baaritaanka kiiska uusan noqon doonin mid culus balse la doonayo in qofka Soomaaliga ah uu cadeeyo dhibaato isaga ku dhacday.

Sababta ka dambaysa isbedalkaan ayaa yimid ka dib markii gudi ka socda Laanta Socdaalka ay bishii Juun booqasho ku tageen magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo sabab looga dhigay in hada aysan Al-shabaab ahayn qatar weyn oo Soomaaliya ka jidha.

Ugu dambeyntii warbixinta ayaa lagu sheegay in Laanta Socdaalku ay la socon doonto xaalada Soomaaliyada. Hadaba waa maxay xaqiiqada arintaan? Aragtidayda waxay tahay in Soomaalida lagu adkayn doono sharciga sida wadamada Ciraaq oo kale. Inkastoo haddii qofku uu qorto kiis macquul ah laga yaabo in sharciga la siiyo ayaa hada ka dib aysan durdur noqon doonin sidii 3-dii sano ee la soo dhaafay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here