Gabar Soomaali ah oo Tanzania loo musaafurinayo

66

Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Aisha Sharif oo Sweden soo gashay 4 sano ka hor ayaa qatar ugu jirta in loo musaafuriyo dalka Tanzania ka dib markii Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ay go’aamiyeen in ay wadankaasi ka soo jeedo.

Gabadhaan oo sheegtay in ay ka dhalatay qowmiyada Baajuunta ayaa sheegtay in ay ku hadasho Af-baajuuni kaasoo aysan fahmin turjumaanada iyo baarayaasha luuqada ee ka shaqeeya Laanta Socdaalka. Si kastaba ha ahaatee, waxay go’aamiyeen in gabadhaan luuqadeeda looga hadlo Tanzania isla markaana halkaasi loo celin doono.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xubnaha baarlamaanka Sweden ayaa isbuucaan cambaareeyay arintaan iyagoo ugu baaqay Laanta Socdaalka in ay dib uga fiirsato arinta gabadhaan. Laanta Socdaalka ayaa qiratay in shaqaalaha baaritaanka ku sameeyay luuqada gabadhaan aysan aqoon luuqadeeda balse wali ay aaminsanyihiin in ay Tanzania u dhalatay.

Qareenka u doodaya gabadhaan ayaa xiriir la sameeyay khabiir ku taqasusay luuqad Baajuunta oo ku nool wadanka Kanada kaasoo cadeeyay in gabadhaan ay ka soo jeedo Koonfurta Somalia. Kiiska gabadhaan ayaa hada racfaan loo xareeyay iyadoo la sugayo go’aanka Laanta Socdaalka.

“Runtii waa Arin cabsi leh. Laanta Socdaalku waxay qatar ugu jirtaa in ay gabadhaan u celiso wadan qaldan. Tani waxay muujinaysaa in loo baahanyahay in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha. Waa in kor loo qaadaa tayada” ayay tiri Maria Ferm oo baarlamaanka Sweden u fadhida xisbiga Miljöpartiet.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Laanta Socdaalka ay Tanzania u musaafuriso qof sheeganaya in uu Somalia ka soo jeedo. Sanadkii hore ayay ahayd markii wiil lagu magacaabo Farxaan oo sheegay in uu isaguna ka soo jeedo Jaziiradaha Baajuunta laga ceshaday sharcigii ka dibna loo celiyay Tanzania.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here