Fagersta oo noqotay kamuunka ugu dhaqaalaha fiican

9

Kommunka Fagersta ee ku yaala waqooyiga gobolka Västmanland ayaa noqtay kan ugu dhaqaalaha fiican kamuunada Sweden sida lagu soo bandhigay baaritaan uu sameeyay wargeyska Dagens Samhälle. Wargeyska oo baaritaan ku sameeyay dhaqaalaha iyo maamulka kamuunada Sweden ee 10-kii sano ee la soo dhaafay ayay Fagersta gashay booska koowaad.

Fagersta oo ka mid ah kamuunada ugu yar Sweden isla markaana ku yaala baadiyaha ayaa lagu amaanay maamul wanaagsan maadaama magaalada ay maamulaan hal xisbi. Waxaa qaasatan la amaanay gudoomiyaha degmada Stig Henriksson oo wax weyn ka badalay dhaqaalaha magaalada Fagersta tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 1998.

Kamuunada la dariska ah Fagersta ayaa liiska waxay ka galeen booska ugu hooseeya. Mar la waydiiyay sababta ay Fagersta ugu duwan tahay kamuunada kale ayuu gudoomiyaha degmada ku tilmaamay in maamul wanaagsan oo dhaqaale iyo is afgarad siyaasadeed ay yihiin furaha guusha.

Wargeyska Dagens Samhälle ayaa baaritaan ku sameeyay dhaqaalaha kamuunada inta u dhaxaysa sanadkii 2000-2009. Kamuunada ugu dhaqaalaha liita ayaa waxaa galay Nora, Degerfors, Hällefors iyo Laxå oo ka tirsan gobolka Örebro Län.

Kommunka Fagersta ayaa waxaa maamula Xisbiga Vänsterpartiet ee siyaasadooda ay tahay dhinaca bidixda. Sanadihii u dambeeyay ayaa magaalada Fagersta waxaa soo buux dhaafiyay Soomaali badan. Gudoomiyaha degmada ayaa ah nin ku faraxsan Soomaalida ku nool magaaladiisa isaga oo hada ka hor sheegay in ay yihiin mustaqbalka magaalada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here