Dowlada Sweden oo soo bandhigtay baaritaan ku saabsan Soomaalida Maraykanka

23

Maanta ayaa wasiirka Isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag waxaa loo soo bandhigay baaritaan ay dowladu amartay in lagu sameeyo qaab nololeedka iyo shaqada ee Soomaalida USA oo lala bardhigo kuwa ku nool Sweden.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool USA ay dhinaca suuqa shaqada kaga wanaagsanyihiin kuwa ku nool Sweden. Waxaa la soo bandhigay in Soomaalida ku nool maraykanka ay 50% shaqeeyaan halka kuwa Sweden ku nool ay shaqeeyaan qiyaastii 20%. Warbixinta oo uu soo ururiyay urur dowladi ah oo lagu magacaabo Ururka Mustaqbalka Sweden (Framtidskommissionen) ayaa waxaa ka qeyb qaatay borofosoorka ku xeel dheer arimaha Soomaalida ee lagu magacaabo Benny Carlsson waxna ka dhiga jaamacada Lund.

Sababta keentay in Soomaalida Maraykanku ay ka wanaagsanaadaan kuwa Sweden ayaa loo aaneeyay dhowr arimood ay ka midyihiin…

1. In Maraykanka ay isdhexgalka iyo shaqo raadinta ka qeyb qaataan ururo wadani ah oo dad Soomaali ah ay maamulaan. Ururadaas ayaa la sheegay in ay dadka ka saacidaan shaqada iyo guryaha. Halka Sweden ay hawshaas maamulaan hay’ada dowlada oo la sheegay in aysan ku wanaagsanayn arimahaan.

2. Sababta kale ayaa lagu sheegay in Soomaalida Sweden ku nool  ay kala bar  wadanka soo galeen shantii sano ee la soo dhaafay, isla markaana dadkaas 70% aysan wax soo baran ama aysan cadeyn waxbarashadooda.

3. Waxaa sidoo kale dhibaato ku ah Soomaalida luuqada iyo suuqa shaqada Sweden oo adag.

4. Benny Carlsson ayaa sidoo kale sheegay in lacagaha cayrta ee Sweden ay bixiso oo qofka ku filan noloshiisa ay sabab ka yihiin in aysan dadku ku dhiiran in ay shaqo raadsadaan. Maraykanka ayuu sheegay in cayrta la bixiyo aysan ahayn mid qofka ku filan.

Baaritaankaan dowlada Sweden ay ku samaysay Soomaalida ayaa ah mid muhiim ah. Balse dhibaatada jirta ayaa ah in aysan Sweden ka dhisnayn ururo Soomaaliyeed oo ka qeyb qaadan kara isdhexgalka iyo shaqo raadinta. Ururada Soomaalida ayaa waxay qeyb ka yihiin dhibaatada isdhexgalka maadaama aysan mideysneyn. Talada warbixinta ee ah in ururada lagu wareejiyo hawsha isdhexgalka ayaan aniga aragtidayda ahayn mid socon karta. Sidee kula tahay adiga?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here