Dilaagii Malmö oo xabsi daa’in lagu xukumay

4

Ninka lagu magacaabo Peter Mangs oo sanadkii 2009-2010 ugaarsi ku dilay dhowr qof oo soo galooti ah ayaa maxkamad ku taala gobolka Skåne waxay ku xukuntay xabsi daa’in iyo in uu bixiyo lacag gaaraysa hal milyan iyo 100.000kr oo la siinayo dadkii uu wax gaarsiiyay.

Maxkamada ayaa go’aanka u cuskatay in ninkaan uu si kas ah u dilay 2 qof, 5 goor in uu isku dayay dil iyo sadex goor oo uu hanjabaad sharci daro ah uu sameeyay. Maxkamada ayaa sheegtay in dambiyada uu galay ninkaan ay yihiin kuwo qatar ah isla markaana uusan qiimeyn nolosha dadka.

Mangs ayaa qareenkiisu horay ugu dooday in madaxa looga jiro balse maxkamada ayaa diiday arintaan. Waxay maxkamadu sheegtay in ninkaan uu caafimaad qabay markii uu dadka ugaarsanayay. Dambiyadiisa ayaa lagu micneeyay naceyb uu u qabo dadka ajaanibta ah.

Ninkaan ayaa la soo xiray bishii November ee sanadkii 2010 isagoo dilay 2 nin oo soo galooti ah iyo gabar Swedish ah oo nin soo galooti ah baabuur la saarnayd. Mudadii uu ninkaan ugaarsanayay soo galootiga ayuu cabsi weyn ku abuuray Soomaalida iyo dadka soo galootiga ah ee ku nool magaalada Malmö.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here