Askari ka tirsan ilaalada guriga raysal wasaaraha oo isdilay

11

Askari ka mid ah kuwa ilaaliya guriga uu degenyahay raysal wasaarah Sweden Reinfeldt ayaa la sheegay in uu isku dhuftay xabad. Askarigaan ayaa shalay laga helay isaga oo dhaawaca qol ka mid ah qololka dhismaha uu degenyahay raysal wasaaraha. Askariga ayaa la sheegay in uu isku dhaawacay qorigiisa balse lama cadayn in ay arintu shil ahayd iyo in uu is dilay.

Raysal wasaaraha Sweden ayaa la sheegay in uusan gurigga joogin xiliga ay dhacdadu dhacday. Askariga geeriyooday ayaa u shaqaynayay Shirkada lagu magacaabo Svensk Bevakningstjänst oo qaabilsan ilaalada guriga uu degenyahay raysal wasaaraha ee lagu magacaabo Sagerska Palatset.

Markii dhacdada ay gaartay booliska ayaa waxaa goobta la soo dhoobay ciidamada kumaandooska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here