Imisa qof ayaa shaqo heshay 2-dii sano ee la soo dhaafay?

21

Sanadkii 2010 ayaa dowlada Sweden waxay ku dhawaaqday isbedel weyn oo lagu samaynayo qaabka dadka soo galootiga ah loo qaabilayo marka ay wadanka sharci ka qaataan. Barnaamijkaas ayaa loogu magacdaray “etableringsreformen” kaasoo ujeedkiisa ahaa in dadka ay shaqo ku helaan 2 sano gudahood.

Hadaba labo sano ayaa ka soo wareegtay markii la abuuray barnaamijkaas. Warbixin cusub oo la soo bandhigay ayaa muujisay in dadkii galay barnaamijkaan oo ka badan 14 000 qof ay 10kii qof 3 ka mid ah shaqo helaan. Waa 30% . Wasiirka isdhexgalka ayaa ku tilmaamay arintaan mid aan xumayn isagoo sheegay in hada dowlada iyo dadka soo galootiga ah ay xooga saarayaan shaqada balse ka hor barnaamijkan uusan cadayn ujeedka.

Xaqiiqada ayaa ah in barnaamijkaan uu fashil u muuqdo maadaama aysan muuqan isbedal weyn oo ku yimid dhinaca shaqada. Aniga ayaa ka mid ah dadka ka shaqeeya arimaha la xiriira dadka cusub iyadoo ay ii muuqato in uusan jirin dareen dheeri ah oo ku aadan shaqada. Hal arin ayaa la dhihi karaa horumar ayaa laga sameeyay taasoo ah in dad badan loo diray waxbarashooyin ay ku baranayaan xirfadaha shaqada taasoo mustaqbalka ka saacidi doonta in ay shaqo helaan. Balse labadii sano ee ugu horeysay barnaamijkaan ayaa u muuqda mid niyad jab ah.

Dowlada ayaa u xilsaartay shirkadaha lagu magacaabo “Etableringslots” in ay ka saacidaan dadka soo galootiga ah in ay shaqo helaan balse ujeedadaas lafteeda ayaa u muuqata mid marin habaabin ay ku dhacday iyadoo inta badan shirkadaha nuucaan ah aysan dadka ka saacidin in ay shaqo helaan, taasoo ay ugu wacantahay dadkii oo aan xirfad lahayn iyo shirkadaha qaar oo aan daacad ahayn.

Wasiirka isdhexgalka ayaa ii muujiyay markii aan shalay la kulmay in uusan sidaas ugu faraxsanayn halka wax marayaan isagoo sheegay in ay jiraan isbedalo ay soo wadaan inkastoo uusan ii faahfaahin.

Haddii aad ka tirsantahay Arbetsförmedlingen oo aad Sweden timid labadii sano ee la soo dhaafay. Waa sidee dareenkaaga ku aadan in aad shaqo ka hesho Sweden? Ma aaminsantahay in aad haysato fursado ka  wanaagsan kuwii ay heleen dadkii hore? Maku qanacsantahay xafiiska shaqada iyo shirkadaha la shaqeeya taageerada aad ka hesho? Fadlan fikradaada hoos ku qorn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here