Gudoomiyaha SD oo sheegay in uu xal u hayo isdhexgalka

8

Gudoomiyaha xisbiga cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna (SD)  ayaa mowduuc uu ku qoray wargeyska caanka ah ee Dagens Nyheter waxa uu ku sheegay in siyaasada dowlada ee ku aadan arimaha isdhexgalka ay fashilantay isla markaana xisbigiisa uu hayo xalka.

Gudoomiyaha SD Jimmie Åkesson oo lagu yaqaano in siyaasada xisbigiisa oo dhan ay ku dhisantahay naceybka soo galootiga ayaa marka uu sheegto in uu isagu xalka hayo ay tahay arin lagu qoslo. Xalka ugu horeeya  ee SD ayaa ah in la joojiyo qulqulka soo galootiga ee Sweden ay qaabisho.

Waxa uu sheegay in xalka labaad uu yahay in shaqo abuuris ay samaynayaan oo ay dhimayaan canshuuraha. Waxaa kale oo uu sheegay in wadanka uu mideynayo oo xisbigiisa uusan ogolaan doonin xaafadaha loogu yeero Muqdisho iyo Baghdad ee ku yaala Sweden. Isagoo sheegay in ay xooga saarayaan luuqada iyo in dadka soo galootiga ah ay qaataan dhaqanka Swedishka.

Åkesson ayaa sheegay in uu hagaajin doono iskuulada isagoo SFIga ku tilmaamay “xanaanada dadka waaweyn”. Dhinaca kale waxa uu sheegay in waxbarashada xirfadaha uu xooga saari doono.

Qorshayaasha SD ayaa u muuqda kuwa afka keliya ah maadaama la ogyahay in quluubtooda ay ka buuxdo soo galooti naceyb iyo Muslim naceyb. Haddii SD ay hogaanka u qaban lahaayeen Sweden ayaa la hubaa in ay wadanka ka musaafurin lahaayeen inta badan soo galootiga sida Muslimiinta, Yuhuuda, dadka madoow, carabka iyo dhamaan qofkasta oo aan Swedish ahayn.

Mowduucyada nuucaan ah ayuu Åkesson ku doonayaa in uu ku soo jiito shacabka Sweden, iyadoo isbuucyadii la soo dhaafay ay taageerada xisbigiisa aad kor ugu kacday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here