Xildhibaan Waaberi oo lagu eedeeyay wax qabad la’aan

10

Xildhibaanka Soomaaliga ah ee ku jira baarlamaanka Sweden (Riksdagen) Abdirizak Waaberi ayaa lagu eedeeyay in uu iska ilaabay dadkii soo doortay. Dood ay qabatay idaacada Sweden ayaa mid ka mid ah ka qeyb galayaasha ku eedeeyay Waaberi in uusan waxba u qaban Soomaalida lagu dhibaateeyo Sweden.

Waaberi oo dhinaciisa ka jawaabay eedeymaha loo soo jeediyay ayaa soo tiriyay arimaha uu qabtay oo uu sheegay in uu xooga saaray ka qeyb galinta dhalinta ciidamada xooga dalka Sweden, arimaha shaqada iwm. Eeda loo jeediyay Waaberi ayaa ku saabsan in uusan ka hadlin cunsuriyada iyo magacxumada lagu sameeyo Soomaalida ee ay ku kacaan saxaafada Sweden iyo qaar ka mid ah dadka magaca ku leh wadanka.

Abdirizak Waaberi ayaa hada sheegay in uu bilaabayo booqasho uu ku tagayo magaalooyinka ay Soomaalidu degenyihiin sida Borlänge, Örebro iyo Växjö si uu u darso xaalada ay soomaalidu ku suganyihiin. Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu kala hadlo Soomaalida nolosha wadanka Sweden iyo sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen bulshada wadanka.

Waaberi ayaa ka gaabsaday la hadalka saxaafada mudooyinkii dambe, ka dib markii sanadkii 2010 ay la soo daristay fadeeexado ku saabsan hadalo uu horay uga yiri arimaha shareecada Islaamka iyo dhaqanka wadankaan. Hada ayuu u muuqdaa in uu ku soo laabanayo masraxa saxaafada isagoo isbuucii hore ka qeyb galay dood ku saabsanayd dhalinyarada Soomaalida oo doonaya in ay ka guuraan Sweden.

Abdirizak Waaberi ayaa laga soo doortay magaalada Göteborg sanadkii 2010 isagoo xisbiga Moderatka (M) ee talada wadanka haya ku matala baarlamaanka Sweden. Cunsuriyiinta ayaa ku eedeeya Waaberi in uu yahay xagjir Islaami ah.

Dhagayso…

Lyssna: Safarrada Waaberi iyo kullammada soomaalida

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here