Wasiirka isdhexgalka oo doonaya in uu xafiisyada dowlada u soo raro Rinkeby

8

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa mowduuc uu ku qoray wargeyska SvD waxa uu ku muujiyay rabitaankiisa in qaar ka mid ah hay’ada dowlada loo soo raro xaafadaha ay soo galootigu ku badanyihiin ee magaalada Stockholm sida Rinkeby, Tensta, Husby, iyo kuwa la mid ah.

Wasiirka ayaa doonaya sidii lo yareyn lahaa kala qeyb sanaashaha bulshada iyo sidii soo galootiga looga qeyb galin lahaa shaqooyinka iyo nolosha wadanka ayaa ka dhawaajiyay waxyaabihii ugu dambeeyay ee dowladu ay ka qabatay arimaha la xiriira soo galootiga. Waxa uu ka dhawaajiyay lacago badan oo ay dowladu u diyaarisay kor u qaadiska heerka shaqada ee xaafadaha soo galootigu ku noolyihiin iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ay ku jiraan in shirkadaha ka dhisan xaafadahaas laga yareeyo canshuuraha.

Fikradiisa ugu dambeysa ayaa wasiirku waxa uu ku sheegay in ay doonayaan in ay soo raraan qaar ka mid ah Hay’adaha dowlada iyo qaar ka mid ah xafiisyada maamulka gobolka Stockholm. Sababta ayaa ah in kor loo qaado niyada dadka ku nool xaafadaha iyo in kor loo qaado magaca xaafadaha iyo fursadaha shaqada.

Wasiirka isdhexgalka ayaa noqday nin aad u daneeya arimaha xaafadaha soo galootiga isagoo dhowr bilood ka hor xaafiiskiisa si ku meel gaar ah uga furtay xaafada Rinkeby oo uu 1 isbuuc ka shaqaynayay halkaasi. Hadaba in uu xaafiiskiisa si rasmi ah u soo rari doono iyo in kale wali lama shaacin balse waxay noqon lahayd arin faa’iido u leh xaafadaha Soomaalidu u badantahay oo sanadihii dambe ay isaga guureen xitaa adeegyadii bulshada sida Bankiyada, caafimaadka iwm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here