Talooyinka caafimaadka oo Af-Soomaali lagu bixinayo

4

Dadka xanuunsan ee doonayo talooyinka caafimaadka ee qadka telefoonka ah  ayaa hada waxay heli doonaan turjumaano Af-Soomaali iyo Carabi ku hadlaya.

Qaasatan dadka ku nool gobolka Stockholms län ayaa marka ay wacaan nambarka 1177 waxay la hadli doonaan turjumaan Soomaali ku hadlaya oo marka qofka lagu xiro kalkaalisada caafimaadka u turjumi doona. Arintaan ayaa ah mid cusub oo tijaabo ah oo socon doonta ilaa bisha Febraayo ee sanadka cusub. Adeegaan ayaa si balaaran loo gaarsiin doonaa dadka ku nool xaafadaha ay soo galootigau badanyihiin ee Tensta, Rinkeby, Husby iyo Kista. Turjumaanada ayaa qadka ku jiri doona saacadaha u dhexeeya 8-22 isbuuca oo dhan.

Mashruucaan mid la mid ah ayaa sidoo kale laga bilaabi doonaa gobolada Skåne iyo Västra Götaland bisha December 3 kaasoo socon doonaa ilaa 28 Febraayo 2013. Haddii arintaan lagu guuleysto ayaa waxaa laga dhaqan galin doonaa gobolo badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here