Siiriyaanka, Soomaalida & Dooda Siyaasada

22

Tirada dadka magangalyada ka dalbaday Sweden ayaa sanadkaan labo jibaarantay ka dib colaada ka taagan wadanka Syria iyo furitaanka mideynta reeraha Soomaalida.

Qaasatan arinta Siiriyaanka ayay qeylo dhaan ka muujiyeen Laanta Socdaalka iyadoo hada isbuucii ay wadanka soo galaan in ka badan 1100 qof oo magangalyo doon Siiriyaan ah. Sanadkaan ayaa la filayaa Sweden in ay sharci siiso in ka badan 40,000 oo magangalyo doon ah iyadoo sanadka soo socda tiradaas gaari doonto 50,000.

Arintaan ayaa dood siyaasadeed ka dhalisay Sweden, iyadoo xalay ay fooda isdareen madaxda hogaamisa xisbiyada ugu waaweyn Sweden oo ay kala hogaaminayeen raysal wasaare Fredrik Reinfeldt iyo hogaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven. Inkastoo inta badan xisbiyada waaweyn ay isku raaceen in la soo dhaweeyo magangalyo doonka ayaa waxaa dhinac u baxay hogaamiyaha xisbiga cunsuriyiinta ee Sverige Demokraterna oo sheegay in aysan Sweden qaabili karin dadkaan tirada badan.

Hogaamiyaasha kale ayaa ku goobtay Jimmie Ã…kesson iyagoo si weyn u cambaareeyay siyaasadiisa ku wajahan soo galootiga oo keliya. Hogaamiyaasha ayaa sidoo kale ka dooday arimo badan oo ay ku jiraan shaqooyinka iyo deegaanka.

Iyadoo bilowgii sanadkaan ay Soomaalidu ahaayeen dadka ugu badan ee Sweden iska dhiiba kowaasoo ay soo raacaan Afghanida, ayaa hada goobkii waxaa la wareegay reer Syria oo noqday dadkii ugu badnaa ee Sweden soo gala mudo sidaa u gaaban. 4200 Syrian ah ayaa Sweden iska dhiibay sanadkaan.

Inkastoo la filayo in ay soo socota mideynta reeraha Soomaalida ee caruurta leh, ayay u badantahay in Laanta Socdaalku ay wax ka badali doonto qaabilaada Soomaalida wadanka iska dhiibta ee sheegan jirtay in ay ka soo carareen Al-shabaab maadaama isbedal uu ka dhacay Soomaaliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here