Shirkadaha ku shaqaysta dadka sharci la’aanta ah oo la ciqaabayo [Video]

4

Shirkadaha sida qarsoodiga ah ugu shaqaysta dadka sharci la’aanta ah ayaa si weyn loo ciqaabi doonaa sida lagu soo bandhigay sharci cusub oo baarlamaanka la hor gayn doono. Shirkadaha lagu qabto tacadiga shaqaalaha ayaa lagu ganaaxi doonaa lacag badan.

Sida lagu soo bandhigay sharciga cusub ayaa shirkadaha waxaa laga goosan doonaa dhamaan taageerada ay ka helaan dowlada mudo 5 sano ah iyo mashruucyada dowlada. Waxaa sidoo kale lagu qasbi doonaa in ay bixiyaan mushaarka qofka oo dhamaystiran 3 bilood ee la soo dhaafay iyo xitaa tikitka diyaarada ee qofka sharci darada ah uu uga bixi lahaa wadanka Sweden.

Wasiirka socdaalka Tobias Billström ayaa sheegay in aysan ahayn arin yar in dadka laga faa’idaysto maadaama aysan wadanka Sweden sharci ku lahayn.

Telefishinka Sweden SVT ayaa waraystay haweenay ka soo jeeda wadanka Mongolia oo mudo si qarsoodi ah ugu shaqaynaysay famil. Waxay sheegtay in maalintii lagu shaqaysan jiray 14 saacadood oo mushaarkeeda ahaa 5000kr isla markaana aan loo ogolayn maalin fasax ah. Markii ay dalbatay in la siiyo maalin fasax ah ayaa shaqadii laga cayriyay, iyadoo lagala haray baasaboorkeedii iyo mushaarkii.

Qofka Sweden magangalyada ka dalbada ayaa xaq u leh in uu shaqaysto mudada uu sugayo sharciga. Laanta Socdaalka ayaa bixisa ogolaansho qofku uu si sharci ah uga shaqaysan karo Sweden. Dadka sharciga loo diiday ee lagu amray in ay ka baxaan Sweden ayaa inta badan waxay si dhuumaalaysi ah uga shaqaystaan Sweden iyagoo ay ka faa’idaystaan shirkadaha.

Dadka sharci la’aanta ah ayaa la sheegay in ay inta badan ka shaqeeyaan shirkadaha dhismaha, nadaafada iyo maqaayada. Sharciga cusub ayaa la doonayaa in laga dhaqan geliya dhamaan wadamada Midowga Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here