Magangalyo doonka oo ka mudaharaaday xaalada deegaanka [Video]

7

Magangalyo doon ku jira xero ku taala tuulo lagu magacaabo Glava oo ka tirsan kamuunka Arvika ee gobolka Värmland ayaa ka mudaharaaday xaalada nolosha ee deegaanka ay ku noolyihiin.

Magangalyo doonka oo isugu jira wadamo badan oo ay ku jiraan Soomaali ayaa waxay xireen wadada gasha tuulada Glava mudo dhowr saacadood ah, iyagoo warqado ku qoran English ku soo bandhigay cabashadooda. Booliska ayaa loo wacay iyagoo markii dambe si nabad ah u baneeyay wadada.

Mudaharaadka ayay magangalyo doonku sheegeen in xaalada nolosha ee dhismaha ay deganyihiin ay tahay mid aan wanaagsanayn iyagoo hal masqul ku wadaaga 18 qof iyo qololka oo 6 qof lagu deganyahay. Waxaa intaa dheer in goobta la geeyay ay ka fogtahay magaalada. Sidoo kale waxaa jira xamaasad ka dhextaagan qowmiyadaha kala duwan ee ay ka koobanyihiin soo galootiga sharci sugayaasha ah.

Laanta Socdaalka ayaa markii lala xiriiray ay sheegeen in ay soo booqan doonaan goobtaa balse arintaan ayaa ah mid aan cusbayn. Sweden ayaa sanadkaan waxaa iska dhiibay dadkii ugu badnaa iyadoo aan xitaa guri loo hayn dadkii sharciga qaatay. Dadka mudaharaadaya ayaa u muuqda kuwo aan la socon xaalada soo galootiga ee wadanka imaanaya.

Si kastaba ha ahaatee, dhismaha la dajiyay magangalyo doonka ku nool tuulada Glava ayaa ah mid qiimo gaar ah leh, waa goob dadka Swedishka ah ay dalxiis u aadaan (slott) oo ay jecelyihiin.

Daawo Video

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here