Laanta Socdaalka oo soomaalida ku qabsatay magaca!

21

Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayaa soomaalida khaarkood ku qabsatay khilaaf u dhexeeya qaabka ay magacyada u qoraan. Dadka xaraystay dacwada ayaa qaarkood u soo qoreen magacooda Af-Soomaali halka qofka kale uu u qoray sida Swedishka, arintaas ayaa keentay in Laanta Socdaalku ay Soomaalida qaar ku samayso baaritaan dheer.

Qaar ka mid ah dadka ay ku dhacday arintaan ayaa ii sheegay in dhowr bilood laga daahiyay kiiskooda ka dib markii ay Laanta Socdaalka u maleeyeen in qalad uu ka jiro magacyada ay qoreen. Tusaale, haddii qofka loo dacwoonaya uu soo qortay Abdiaziz balse qofka u dacwoonaya uu qoray Cabdicasiis ayaa arintaas keentay in Laanta Socdaalku ay u maleeyaan labo magac oo kala duwan.

Dadkii ay arintaan ku dhacday ayaa lagu sameeyay baaritaan dheer oo ku qasbanaaday in ay keenaan marqaatiyaal cadeynaya in labada magac ay isku midyihiin. Hadaba si aad uga fogaato in ay kugu dhacdo arintaan oo kale ayaa waxaa muhiim ah in labada qof ay xiriir wada sameeyaan oo isku qaab u qoraan magacyada iyo in ay isku hadal ku halaan marka wareysiga laga qaadayo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here