Haweenka oo dhibaato ka haysato barashada luuqada Swedishka

12

Haweenka soo galootiga ah ayaa dhibaato weyn ka haysataa barashada luuqada Swedishka. Barnaamij laga siiyaadayay idaacada Sweden qeybta Studio 1 ayaa lagu soo bandhigay haween Soomaali ah oo ku nool magaalada Borlänge oo dhibaato ka haysato barashada luuqada.

Haweenkaan ayaa waxay wadanka yimaadeen iyaga oo aan horay iskuul u soo dhigan taasoo keentay in ay aad ugu adkaato luuqada. Macalimiinta SFI-ga oo mid ka mid ah barnaamijka lagu wareystay ayaa cabasho weyn ka muujisay qaabkii haweenkaan wax loo bari lahaa. Macalimiinta ayaa ku taliyay in ay haboontahay in haweenka marka hore la baro luuqadooda ka dibna ay Swedishka dhigtaan.

Waxaa sidoo kale barnaamijka lagu wareystay madaxa arimaha isdhexgalka ee kamuunka Borlänge oo aad uga cabaaday xaalada haysata kamuunkaas oo sanadihii dambe ay kumanaan Soomaali ah soo dageen. Waxa uu sheegay in aysan rajo ka qabin in haweenkaan ay shaqo helaan, taasoo dhibaato ku ah kamuunka maadaama ay sanduuqa cayrta ku soo laabanayaan.

Dhinaca kale, haweenka soomaalida ayaa noqday kuwo igu soo carar ah markii wariyaasha Studio 1 ay booqasho ku tageen kamuunka Botkyrka halkaasoo ay kula kulmeen haween u badan Carab iyo Turki oo wadanka joogay ka badan 20 sano balse aan hal eray oo Swedish ah ku hadli karin. Haweenkaas ayaa waxaa ka mid ah qaar wadanka soo galay 1979 balse ilaa hada aan luuqada Swedishka baran.

Wariyaasha SR oo arintaas ay mucjiso ku noqatay ayaa loo sheegay in haweenkaan aysan horay iskuul u dhigan markii ay wadanka yimaadeena ay caruur dhaleen, ka dibna ay guri joog noqdeen.

 

Lyssna: Kvinnor med låg utbildning oroar Borlänge

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here