Arday & macalin isku qilaafay nabi ciise

25

Arday Muslim ah oo wax ka barta dugsi sare oo ku yaala tuulada Eslöv ayay macalinkiisa isku afdhaafeen mowduuc ku saabsan Nabi Ciise taasoo keentay in macalinkii shaqada laga joojiyo.

Arinta ayaa ka dambeysay ka dib markii ardada loo diray in ay Swedish u turjumaan mowduuc ku qoran afka Ingiriiska oo ka hadlaya nabi Ciise (cs). Ardayga Muslimka ah ayaa ka biyo diiday arintaan isagoo sheegay in mowduuca ay ku qorantahay in nabi ciise uu yahay wiilka ilaahay sidaa darteedna uusan hadal been ah waqti ku dhumin doonin. Macalinka ayaa arintaas ka xanaaqay oo ardayga aflagaado u geystay isaga oo ku yiri “jävla muslim”.

Hadalkaas ayaa ardaygu aad uga carooday isagoo durbadiiba dacwad u gudbiyay maamulka iskuulka, kuwaasoo taageeray ardayga isla markaana macalinkii lagu amray in uu shaqada ka fadhiisto dhowr maalmood. Ardayga ayaa dhinaca kale booliska dacwad u gudbiyay.

Macalinka ayaa arintii uu sameeyay ka qoomameeyay, oo ardayga ka dalbaday cafis balse waa uu diiday arintaas.

Haddii aan ku darsado aragtidayda ayaan isleeyahay waa sax in laga caroodo hadalada aflagaadada ah ee lagu yiri ardayga Muslimka ah, balse dhinaca kale waxaa muuqata in ardayga uu dhumiyay fursad qaali ah. Fursadaas oo ah in uu ka hadlo Nabi Ciise (cs) oo uu soo bandhigo aragtida Islaamku ka qabo iyo in ay qalad tahay in lagu tilmaamo wiilka Ilaahay. Waxaan isleeyahay qaabkaas ayaa ka wacnaan lahaa in uu guud ahaan iska diido. Waayo Muslimiintu markasta way ka hadlaan nabi Ciise oo gaalada waa lagala doodaa arimaha nuucaan ah.

Sidee kula tahay adiga?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here