Safaarada Sweden ee Addis Ababa ma laaluush baa laga qaataa?

33

Qaar ka mid ah akhristayaasha ku xiran Somaliska ee ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa noo soo wariyay in uu jiro laaluush laga qaato safaarada Sweden ay ku leedahay Addis Ababa. Laaluushka ayaa la sheegay in ay qaataan qaar ka mid ah shaqaalaha horjoogayaasha ah.

Si aan arintaan baaritaan ugu sameeyo ayaan la xiriiray safaarada Addis Ababa bal in ay ka jawaabaan eedeymahaan. Björn Berglund oo ka tirsan safaarada ayaa ii soo qoray in ay safaaradu laaluushka u aragto arin qatar ah balse ilaa hada aysan soo gaarin wax dacwo ah oo ku saabsan arintaan. waxa uu intaas ku daray in cidii laga qaaday laaluush ama aragtay cid qaadanaysa in ay safaarada sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiraan.

Hadaba si aan u caawino safaarada ayaa waxaa la doonayaa in dadka laga qaaday laaluushka ama arkay shaqaale ka tirsan safaarada oo laaluush qaadanaya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xiriir iila soo sameeyaan. Haddii aad arintaan warbixin ka hayso waxaad email ku soo dirtaa: jimcale@somaliska.com jawaabaha su’aalahaan.

1. Adiga miyaa laaluush lagaa qaaday mise qof kale? Lacagta lagaa qaaday?
2. Taariikhdee laaluushka la qaaday?
3. Yaa kaa qaaday laaluushka? magaca qofka? shaqada uu safaarada ka hayo?
4. Qofka laaluushka qaaday ma qof gudaha safaarada ka shaqeeyaa mise dibada?

wixii faahfaahin ah soo dir. Haddii aad english ku soo qori karto waa fiicantahay, haddii kale somali ku soo qor aniga ayaa u turjumaya.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here