Lacagta TVga oo aan wax laga badali doonin

1

Lacagta dadka badani ay necebyihiin ee ay qaado hay’ada Radiotjänst ee lagu bixiyo qarashka telefishinada ayaa dowladu go’aamisay in aan waxba laga badali doonin. Arintaan ayaa ka dambaysay ka dib markii bishii hore la soo bandhigay qorshe lacagtaas loogu badalayo canshuur.

Wasiirka dhaqanka Sweden  Lena Adelsohn Liljeroth ayaa sheegtay in ay sii wadayaan baaritaan lagu samaynayo qaabka loo casriyayn karo lacagta telefishinka balse qorshaha hada la soo bandhigay uusan ahayn mid ay ku qanceen. Ilaa inta laga samaynayo qorshe cusub ayaa arintu sidii hore ku sii socon doontaa.

Lacagta TVga ayaa waxaa lagu bixiyaa qarashka ku baxa telefishinada SVT, idaacada Sweden (SR) iyo Kanalka waxbarashada Utbildningsradio (UR). Ujeedadu lacagta dadka looga qaado ayaa ah in telefishinadaan ay noqdaan kuwo ka madax banaan danaha siyaasiyiinta iyo shirkadaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here