Taageerada xisbiga cunsuriyiinta SD oo aad u siyaaday

3

Xisbiga cunsuriga ah ee lagu magacaabo Sverige Demokraterna (SD) ayaa taageerada uu ka haysto shacabka Sweden ay aad kor ugu kacday bilihii la soo dhaafay.

Tiro goob ay samaysay shirkada Sifo oo si joogto ah baaritaan ugu samaysa aragtida dadka Sweden ee lagu cabirayo sidii ay noqon lahayd natiijada doorashada haddii maanta la qabto, ayaa lagu soo bandhigay in SD ay hada haystaan 7.7 dhibcood, iyagoo markii ay baarlamaanka soo galeen sanadkii 2010 ay heleen 5 dhibcood. Haddii uu xisbgia SD sii haysto taageeradaan ayuu noqonayaa xisbiga afaraad ee ugu weyn Sweden.

Taageerada xisbiga SD ayaa qaasatan kor u kacday magaalooyinka Malmö iyo Göteborg. qaasatan magaalada Malmö iyo agagaarkeeda ayaa xisbiga SD waxa uu helay cod gaaraya 11.2. magaalada Göteborg ayay ka haystaan taageero gaaraysa 5.9 dhibcood.

Sababta ka dambaysa taageerada kor u kacday ee xisbiga ayaa la dhihi karaa in dadka Sweden ay la qabsadeen xisbigaan oo hada isku dayaya in uu la mid noqdo xisbiyada kale. Waxaa kale oo arintaan loo aanayn karaa dhacdooyinkii la xariiray Muslimiinta iyo Islaamka ee bishii la soo dhaafay ka dhacay wadamada maraykanka iyo bariga dhexe.

isbuucaan ayaa gudoomiyaha xisbiga SD waxa uu sheegay in xisbigiisa uu ka sifaynayo dadka uu ugu yeeray cunsuriyiinta iyo xagjirka balse arintaas ayay inta badan dadka la socdo arimaha xisbigaan ku qosleen maadaama fikrada xisbiga oo dhan ay ku dhisantahay cunsuriyad iyo ajaanib nacayb.

Dhinaca kale, xisbiyada waaweyn ee ku jira baarlamaanka ayaa hada waxaa taageerada ugu badan haysta xisbiga Social Demokraterna (S) oo haysta 32.1 dhibcood. Dhinaca xulufada dowlada ayaa hoos u dhac ku  socota iyadoo haddii maanta doorashada la qaban lahaa uu guud ahaan baarlamaanka ka bixi lahaa xisbiga Kristdemokraterna (KD).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here