Islaamka & Sweden: Kaniisad aadaanka diiday iyo arday ka carootay hilibka xalaasha

9

Magaalada Jönköping ayaa isbuucii la soo dhaafay waxaa ka taagnayd dood kulul ka dib markii kaniisada lagu magacaabo Sofiakyrkan ay Muslimiinta ka caraysiisay.

Arinta ayaa ka dambaysay bandhig nabadeed ay sanadkiiba mar qabato kaniisadaas oo caalamka oo dhan lagu qabto. Bandhiga ayaa waxaa loogu yeeraa dhamaan diimaha kala duwan iyagoo cidkasta ay salaad ku tukato kaniisada. Sanadkaan ayaa waxaa dhacday in kaniisadu ay sheegtay in ay Muslimiinta u waceen balse aysan ogolaan doonin aadaanka salaada. Arintaas ayaa ka caraysiiyay Jaaliyada Muslimiinta oo isaga baxday guud ahaan hawsha kaniisada.

Ka dib dood kulul iyo kulan xasaasi ah ayaa kaniisadu go’aansatay in ay ka laabato go’aankeedii iyagoo ogolaaday in Muslimiintu ay kaniisada ka dhex adimaan ama cajalad xitaa la daaro.

Dhinaca kale, magaalada Karlskrona ayaa arday dhigata iskuul lagu magacaabo Praktiska Gymnasium waxay mudaharaad ka dhigeen hilibka xalaasha ah. Arinta ayaa ka dambaysay ka dib markii iskuulku uu heshiis la galay shirkad uu leeyahay nin u dhashay wadanka Lubnaan oo cuntadii iskuulka inta badan ka dhigay cunto xalaal ah, inkastoo mararka qaar lagu soo daro hilibka doofaarka.

Qaar ka mid ah ardada iskuulka ayaa ka biyo diiday isbedalka lagu sameeyay cuntada, iyagoo soo ururiyay magacyada ardada arintaan diidan. Maamulka iskuulka ayaa markii wax laga waydiiyay arinta waxay sheegeen in ay yartahay tirada ardada cuntada diidan, isla markaana ay iskuulka u badanyihiin ardada soo galootiga ah.

Ujeedada ay ardada qaar u diidanyihiin cuntada xalaasha ah ayaa lagu sheegay in ay tahay in aysan jeclayn qaabka Muslimiintu ay xoolaha u qalaan iyo qaar kale oo u diidan sabab diimeed. Si kastaba ha ahaatee, ardada inta badan ayaa la sheegay in ay la dhacsanyihiin cuntada iskuulka. Maamulka iskuulka ayaa sheegay in ay cuntada la badali doono haddii ay dacwo badan ka timaado dhinaca ardada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here