Xirfadaha shaqada & xiisaha Soomaalida [Video]

14

Maanta waxaan ka qeyb galay bandhig waxbarasho oo uu soo qabanqaabiyay xaafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) kaasoo lagu qabtay magaalada Uppsala.

Bandhiga oo ahaa mid loogu tala galay dadka soo galootiga ah ee wadanka yimid ka dib 2010 ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo laga soo ururay gobolada dariska la ah Uppsala. Goobta ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxbarashooyin xirfadeed aan u baahneyn shuruudo adag. Ujeedada ayaa ah in dadka firfircoon ee doonaya in ay xirfad samaystaan loo diro waxbarashooyinkaan lagu magacaabo (Yrkesutbildningar) kuwasoo qofku marka uu soo dhamaysto uu shaqo ku raadsan karo.

Soomaalida ka soo qeyb gashay bandhiga waxbarashada oo aan qaar ka mid ah wareystay ayaa iila muuqday kuwo aad u xiisanayna arimahaan. Dadka ayaa loo qabtay seminaaro ku saabsan koorsooyinka kala duwan ee ay bixinayaan shirkadaha heshiiska kula jira Arbetsförmedlingen. Ka dib bandhiga ayaa Soomaalida meesha timid bilaabeen in ay dalabkooda gudbiyaan, iyadoo shaqaalaha Xafiiska Shaqada ay balan qaadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan qofkasta jawaab loogu soo diri doono.

Waxaan isku dayay in aan u kuur galo waxyaabaha ay xiisanaynayaan Soomaalida, iyadoo ay ii soo baxday in ay aad u yartahay tirada dadka goobta la yimid go’aan dhab ah. Inta badan Soomaalida ka soo qeyb gashay bandhiga ayaa ahaa kuwo aysan u kala cadeyn wixii ay xirfad ka dhigan lahaayeen iyadoo qaar badan ay talo raadis ahaayeen, halka qaar kale ay iska dalbadeen wixii ay asxaabtooda dalbadeen.

Koorsooyinka goobta lagu soo bandhigay oo u badnaa kuwo gaaban ayaa waxaa ugu caansanaa xirfada looga shaqeeyo baqaarada (Lagermedarbetare) oo wiilashu ay aad u xiisaynayeen iyo gabdhaha oo u batay dhinaca Undersköterska iyo Omvårdnad (daryeelka dadka waaweyn). Mar aan waydiiyay gabdhaha sababta ay ku doorteen xirfadahaan ayay ii sheegeen in ay yartahay shuruuda lagu gali karo isla markaana ay tahay xirfad aan xoog u baahnayn.

Xirfadaha kale ee goobta lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa shaqada warshadaha, gaadiidka sida baska iyo baabuurta xamuulka, nadaafada, waxbarashada geedaha iyo kuwo kale oo badan. Waxbarashooyinkaan ayaa loogu tala galay dadka shaqo raadiska ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here