Wariyaashii Sweden oo la siidaayay iyo cadaynta oo bug ahayd

6

Labadii wariye ee Swedishka ahaa oo ku xirnaa Ethiopia ayaa isbuucaan la siidaayay ka dib markii ay cafisay dowlada Ethiopia. Wariyaasha oo sanadkii hore laga soo qabtay dhulka ismaamulka Soomaalida iyaga oo wehlinaya ONLF ayaa xabsi ku jiray 14 bilood.

Balse dowlada Ethiopia ayaa waxaa soo wajahday fadeexad ku saabsan Video loo isticmaalay in lagu maxkamadeeyo wariyaasha, vidowgaan oo muujinayay dagaal iyo wariyaasha oo lala qabtay ciidamada ONLF ayaa la sheegay in uu been abuur ahaa. Ciidamada Ethiopia ayaa sameeyay muuqaalka 2 maalmood ka dib markii la qabtay wariyaasha.

Sababta ay u sameeyeen ayaa lagu sheegay in ay ahayd in xabsi dheer lagu xukumo wariyaasha. Mid ka mid ah raggii duubay muuqaalka oo Soomaali ah ayaa fashilay videoga ka dib markii uu isaga cararay dalka Ethiopia.

Halkaan ka daawo muuqaalka bugta ah ee ay sameeyeen ciidamada Ethiopia.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here