Tacadiyada Ethiopia oo lagu soo bandhigay saxaafada Sweden

14

Ka dib markii xabsiga laga soo daayay wariyaashii Sweden ee mudada ku xirnaa Ethiopia, ayay saxaafada Sweden seefta galka kala baxeen. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa warbaahinta Sweden lagu soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah Soomaalida oo ay dowlada Ethiopia ka geysato dhulka Ismaamulka Soomaalida.

Telefishinka Sweden (SvT) ayaa soo bandhigay qisooyinka dad  ay kula kulmeen Kenya oo ka hadlaya jirdilkii ay u geysteen ciidamada Ethiopia. Waxay soo bandhigeen dumar si xun loo jirdilay isla markaana la kufsaday. Telefishinka ayaa soo bandhigay video xaqiijinaya arimahaas oo ka muuqdaan kuwa maamulka ka haaya gobolkaas.

Ma ahan telefishinada Sweden oo keliya balse telefishinka caalamiga ah ee Al Jazeera iyo BBC ayaa beryahaan dambe waday warbixino ku saabsan gobolka Ismaamulka Soomaalida iyo dhibaatooyinka lagu haayo dadka gobolkaas.

Labada wariye ee xabsiga laga siidaayay ayaa iyaguna balan qaaday in aysan arinta intaas uga hari doonin ee ay dadaal u gali doonaan sidii caalamka loogu bandhigi lahaa dhibaatoyinka lagu hayo dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Soomaalida Ethiopia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here