Migrationsverket: Qalad ayaan samaynay

6

Agaasimaha guud ee Laanta Socdaalka  Anders Danielsson ayaa qirtay in Laanta Socdaalka ay qalad sameeyeen markii ay go’aamiyeen in ay gabar yar oo 2 sano jir ah wadanka laga musaafuriyo.

Danielsson ayaa sheegay in shaqaalaha laanta Socdaalka ay yihiin bani’aadam oo ay qalad samayn karaan. Ka dib cambaareyn loo jeediyay Laanta Socdaalka ayay ka laabteen labo go’aan oo lagu musaafurin lahaa gabadha yar ee wadata baasaboorka Faransiiska iyo gabar kale oo 1 sano jir ah oo Ciraaq loo musaafurin lahaa.

Gabadha yar ee labo sano jirka ah oo lagu magacaabo Haddile ayaa la sugayaa in dowlada Faransiiska ay raadiso hooyadii dhashay.

Agaasimaha Laanta Socdaalka ayaa sheegay in sanadkii 5% go’aamada ay gaaraan ay wax ka badalaan maxkamadaha Socdaalka oo qofku markasta xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato go’aankooda. Maalmihii la soo dhaafay ayaa fadeexad la soo gudboonaatay Laanta socdaalka iyagoo hada looga wacay baarlamaanka Sweden si ay u sharaxaan qaabka ay u shaqeeyaan.

Waxaa kale oo lagu baaqay in Sweden ay dhaqan galiso qaraarka Qaramada Midoobay ee ku saabsan xuquuqda caruurta oo aysan Sweden si guud ugu daran dastuurka wadanka.

Anders Danielsson ayaa horay u ahaa taliyaha ciidanka amaanka ee Säpo inta uusan la wareegin Laanta Socdaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here