Jabuutiyaanka Soomaalida isku dhiiba miyay soo bateen?

74

Iyadoo aysan marnaba qarsoonayn in magangalyo doonka ka yimaada Jabuuti ay isku dhiibaan Soomaali ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa hada warar ay qorayaan saxaafada qaarkood ay sheegayaan in ay hada ooda soo goosteen tirada Jabuutiyaanka Soomaalida isku dhiiba.

Warbixin uu qoray bogg lagu magacaabo Mareega ayaa lagu soo bandhigay in tirada Jabuutiyaanka ay hada cirka isku shareertay oo ay bilaabeen Swedishku in ay fahmaan in wax qaldanyihiin. Warbixinta bogga lagu qoray ayaa waxaa ka mid ah in shaqaalaha ka shaqeeya arimaha isdhexgalka iyo iskuulada ay la yaabanyihiin Soomaali cusub oo Faransiis ku halaysa in ay wadanka soo galeen. Shaqaalaha ayay ku noqotay la yaab maadaama aysan horey u arki jirin tiro badan oo Soomaali ah oo Faransiis ku halaya.

Sidoo kale tirada jabuutiyaanka oo soo batay ayaa la sheegay in ay dhalisay qilaafaadka dhinaca dhaqanka ah. Warbixinta bogga lagu qoray ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah Jabuutiyaanka Soomaalida isku dhiibay iyo Soomaalida kale ay is qilaafeen, sida markii la wada dajiyay in ay isfahmi waayeen ama dhalinyarada Jabuutiyaanka ay qamri soo dhigteen iwm. Arintaas ayaa dhalisay in wiil Soomaali ah midi lagu dhaawacay ka dib markii ay isqilaafeen nin Jabuutiyaan oo ay guriga wadaagayeen.

Inkastoo tiradaas ay u muuqato mid aan sax ahayn ayaa hadana boggu lagu soo qoray in sanadkaan ay Sweden iska dhiibeen 7000 jabuutiyaan ah. Sababta aan qaladka ugu arko tiradaas ayaa ah in aysan guud ahaan sanadkaan iska dhiibin Sweden 7000 oo Soomaali ah. Sanadkaan waxaa Sweden iska dhiibay 2951 Soomaali ah sida ku cad warbixinada Laanta Socdaalka.

Mid ka mid ah Jabuutiyaanka isku dhiibay in uu ka soo jeedo koonfurta Soomaaliya oo u waramay wariyaha bogga Mareeg ayaa u sheegay in uu Jabuuti ka soo tagay sanadkaan isaga oo soo maray dalka Faransiiska. Waxa uu intaas ku daray in nolosha Jabuuti ay adagtahay balse Sweden ay fududahay, oo sharciga uu fududyahay. In aad shaqayso waajib ma ahan, waxaan asxaabtayda kula taliyay in ay halkaan yimaadaan. shan ayaa hada timid. ayuu yiri ninkaan oo magaciisa qariyay.

Ninkaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay qaabka uu Sweden isaga dhiibay oo la mid ah kan ay Soomaalida isaga dhiibaan. Waxa uu intaas ku daray in uu ku faraxsanyahay in Qamriga uu ka fududyahay Sweden, oo qaadka uu sahal ku heli karo. Sweden ayuu ku tilmaamay janada.

Mowduuca bogga Mareeg ayaa markii aan si fiican u dhuuxay waxaa uu iila muuqdaa mid aan si fiican loo soo tifaftirin ama laga leeyahay weerar gooni ah oo lagu qaadayo jabuutiyaanka. Wariyaha qoray mowduuca ayaa ku soo gababeeyay in “Madaxda Soomaalida ee Sweden ay dowlada ka codsadeen in ay Jabuutiyaanka u diiwaan galiso in ay Jabuuti ka soo jeedaan oo aysan Soomaali u qorin si loo xaliyo wixii isfahandaro ah”. Anigu ma maqal madax sidaa codsatay iyo xiliga ay codsadeen. Waxay iila muuqataa hadal uu wariyaha isagu iskiis ugu darsaday.

Ugu dambeyntii marka laga tago jaabuutiyaanka wariyaha Mareeg waxa uu ilaabay in Soomaali ay isku dhiibaan kuwo ka fog Jabuuti oo ka soo jeeda geesaha Afrika ilaa Nigeria. Dadkaas oo xitaa aan Af-Soomaali ku hadli karin ayay Sweden sharciga ku siisaa in ay Soomaali yihiin. Jabuutiyaanku waaba Soomaali balse maxaad ka leedihiin Kenyanka, Ugandheeska, Nigeriyaanka?

Halkaan ka akhriso mowduuca oo English ah. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here