Gudoomiyaha SD oo booqday Forserum

9

Gudoomiyaha xisbiga cunsuriyada ku dhisan ee Sverige Demokraterna (SD) Jimmie Åkesson ayaa booqasho ku tagay tuulada Forserum ee Soomaalida lagu dhibaateeyay. Åkesson ayaa booqashiisa ku sheegay mid uu wax kaga ogaanayo xaalada dhabta ah ee ka jidha tuulada, isagoo sheegay in warbaahintu sawir qaldan ay ka bixisay xaalada ka jidha goobtaas.

Gudoomiyaha degmada Nässjo Anders Karlsson ayaa horay uga digay in Åkesson uu booqdo Forserum. Gudoomiyaha ayaa sheegay in siyaasada Åkesson aysan ahayn mid ay jecelyihiin isla markaana ay xaalada kaga sii darayso. Si kastaba ha ahaatee, Åkesson ayaan dhagjalaq u siin dalabka gudoomiyaha.

Gudoomiyaha cunsuriyiinta ayaa dhowr sawir isaga qaaday degmada isagoo horay u sheegay in uu doonayo in uu la kulmo Soomaalida ku nool degmada, balse jaaliyada Soomaalida ee Forserum ayaa diiday kulankiisa. Sidoo kale waxa uu la kulmay xubnaha ka tirsan xisbigiisa. Åkesson ayaa u muuqdaa mid ka faa’ideysanaya arintaan. Waxa uu sheegay in dhibaatada lagu sameeyay Soomaalida ay ka dambeysay siyaasada Sweden ee ku aadan soo galootiga. Balse waxa uu diiday in uu arinta u aqoonsado cunsuriyad.

Qaar ka mid ah dadka ku nool tuulada Forserum ayaa dhaweeyay booqashada Åkesson iyagoo sheegay in Soomaalidu ay dhibaatada qeyb ka leeyihiin.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here