“Dowladu ha u doorto dadka cusub magaaladii ay dagi lahaayeen”

10

Dooda ku saabsan arimaha isdhexgalka iyo soo galootiga ayaa cirka isku shareertay ka dib markii xalay ay gudoomiyaha degmada Södertälje Boel Godner (S) dalbatay in laga joojiyo dadka soo galootiga ah ee magaaladeeda u soo guuraya.

Haweeneyda maayarka ka ah magaalada Södertälje oo ka tirsan xisbiga SocialDemokraterna (S) ayaa ku cataabtay in aysan guryo, shaqo iyo dhaqaale midna u hayn soo galootiga soo degaya magaalada ay maamusho. Waxay sheegtay in Ciraaqiyiin iyo Siiriyaan fara badan ay magaalada Södertälje doortaan maadaama ay qaraabadooda ku noolyihiin halkaasi. Waxay dowlada ka dalbatay in dadka doonaya in ay degaan Södertälje loo diido fursadaas oo magaalooyin kale loo diro.

Arintaas ayaa waxaa dood ka yeeshay iyada iyo wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag oo ku dooday in aysan dowladu yeeli karin in ay dadka xuquuqda ka qaado ay ku dooranayaan halka ay wadanka kaga noolaan lahaayeen. Wasiirka ayaa muujiyay maalgalinta iyo lacagaha ay dowladu u balan qaaday kamuunada soo dhaweeya dadka cusub.

Ka dib doodaas, ayaa waxaa sidoo kale dood kale dhexmartay gudoomiyaha xisbiga cunsuriyiinta Sverige Demokraterna (SD)  iyo wasiirka isdhexgalka iyagoo ka dooday arimo badan oo ay ku jiraan saamaynta Muslimiinta, sida loo caawin karo soo galootiga iyo arimaha isdhexgalka. Jimmie Åkesson ayaa ku dooday in Muslimiintu ay badalayaan dhaqanka Sweden iyo in dowladu ay albaabada u furtay fatahaada soo galootiga oo aysan wax qorshe ah u hayn. Wasiirka ayaa dhinaciisa sheegay in Sweden ay tahay wadan furan oo qofkii caawimaad u baahan la caawinayo.

Dooda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay dhowr qof oo soo galooti, Muslimiin iyo Soomaali ah. Dadka dooda ka qeyb qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa wiil Soomaali ah oo fikradiisa ka dhiibtay arinta in dadka dowladu meel dajiso iyo in ay iyagu doortaan halkii ay dagi lahaayeen.

Hadaba sidee u aragtaan arintaan. Ma haboontahay in dowladu ay dadka u doorto magaalada ay dagayaan? Maxaa laga yeeli karaa qulqulka soo galootiga halka magaalo isku urursada?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here