Dowlada oo soo bandhigtay isbedalo ku wajahan dadka cusub

10

Wasiirka isdhexgalka Sweden Erik Ullenhag ayaa soo bandhigay dhowr arimood oo dowladu xooga saarayso si shaqo loogu helo dadka cusub. Wasiirka ayaa arinta ugu muhiimsan ee uu soo bandhigay waxaa ugu weyn in dadka cusub ay waajib ku noqon doonto in ay u guuraan magaaladii shaqo looga soo helo, oo aysan diidi karin.

Arimaha kale ee wasiirka uu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ah in la abuuri doono 6000 oo praktik ah kuwaasoo dadka cusub ka caawin doona sidii ay suuqa shaqada u fahmi lahaayeen iyo in ay luuqada ku bartaan. Intaas ayaa waxaaa sii dheer in dadka cusub loo diyaarin doono waxbarashooyin loogu abuurayo xirfado ay ku shaqeysan karaan. Waxbarashada ayay qaadan doonaan inta ay dhiganayaan luuqada (SFI).

Wasiirka ayaa mowduuca uu ku qoray wargeyska DN waxa uu dhowr jeer tusaale u soo qaatay Soomaalida. waxa uu sheegay in ay yihiin dad aan waxbarasho lahayn balse ay qalad tahay in Soomaalida loo aqoonsado dad daciif ah. Wasiirka ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn qaabka ay saxaafada iyo maamulada kamuunada uga hadlaan Soomaalida. Waxa uu sheegay in ay yihiin dad shaqo diyaar u ah balse ay xayirayso heerkooda waxbarashada.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladu ay xooga saarayso sidii ay ula dagaalami lahayd cunsuriyada. Dowlada ayaa iskuulada ku baraarujisay in caruurta Swedishka lagala hadlo arimaha isdhexgalka iyo cunsuriyada.

Inkastoo uusan soo bandhigin wax cusub oo la taaban karo ayaa arimaha wasiirka uu soo saaray ay yihiin kuwo muhiim ah haddii si degdeg ah oo aan iska daba wareeg ahayn loo dhaqangaliyo. Ilaa sanadkii 2010 markii dowladu ay soo bandhigtay isbedal lagu sameeyay arimaha isdhexgalka ayaa dowlada lagu cambaareeyay in aysan wax isbedal wanaagsan ah samayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here