Dowlada oo lacag ku bixinaysa waxbarashada caruurta soo galootiga

3

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday in ay lacag gaaraysa 409  milyan oo karoon ku maal galin doonto kor u qaadista waxbarashada caruurta soo galootiga ah. Arintaan ayaa ka dambaysay ka dib markii uu heerka waxbarashada ardadaas hoos u dhacay.

Caruurta soo galootiga ah ayaa noqday kuwo ku liita iskuulada isla markaana ay waqti dheer ku qaadato in ay ka gudbnaan dugsiga hoose, taasoo ay ugu wacantahay iyaga oo wadanka ku yimid da’weyn. Ardada soo galootiga ah ee u gudba dugsiyada sare ayaa noqday 40%, halka caruurta Swedishka ah ay 90% u gudbaan dugsiyada sare.

Lacagta ayaa loo isticmaali doonaa in loo kordhiyo waqtiga waxbarashada ardada soo galootiga ah, in macalimiinta la siiyo aqoon dheeri ah  iyo qaasatan luuqada Swedishka oo xooga la saari doono. Lacagta ayaa la siin doonaa hay’adaha dowliga ah iyo ururo qaas ah oo ka shaqeeya arimahaan.

Sababta keentay in heerka waxbarashada ee ardada soo galootiga ah uu hoos u dhaco ayaa wasiirka waxbarashada Sweden Jan Björklund uu ku eedeeyay ka dib markii ay Sweden soo galeen arday badan oo ka timid wadamada Soomaaliya iyo Afghanistaan. Maadaama hanaanka waxbarashada ee wadamadaas uu burburay.

Qorshaha dowlada ayaa ku wajahan caruurta dhigata fasalada 5-9.

Dhibaatada haysata caruurta soo galootiga ah ayaa waxaa kale oo loo eedeyn karaa waalidiinta oo aan lahayn aasaas waxbarasho, sidaa darteedna aan awoodin in ay caruurtooda ka saacidaan casharada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here