Doorashada madaxweynaha iyo hamiga Soomaalida Sweden

12

Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaya doorashada taariikhiga ah ee lagu dooranayo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya. Guud ahaan soomaalida ku nool daafaha caalamka ayaa isha ku haya doorashada iyo cida ku soo bixi doonta madaxweynaha Soomaaliya.

Bilihii u dambeeyay ayaa xaalada Soomaaliya waxay ahayd mid soo hagaagaysa iyadoo Soomaali badan oo ay ku jiraan kuwa ku nool Sweden ay niyada ku hayaan in ay ku laabtaan dalkooda oo nabad ah, qaar badan ayaa boorsooyinka u xiranyihiin oo marka aan waraystay ii sheegay in aysan dib u sii joogi doonin Sweden. Qaar kale ayaa aaminsan in aan lagu degdegi karin xaalada Soomaaliya oo aan laysku halayn karin amaanka.

Arinta aan doonayo in aan ka hadlo ayaa ah qofka doonaya in uu Soomaaliya ku laabto, waa maxay qorshaha aad doonayso in aad kula noqoto Soomaaliya? Inta badan dadka aan wareystay ee ay ka go’antahay in ay Soomaaliya ku laabtaan ayaa ah kuwa shaqo la’aantu ku hayso Sweden ama si guud ugu fashilmay nolosha wadankaan. Waxaan la kulmay dad wadanka 20 ilaa 10 sano joogay oo ilaa hada cayr qaata, dadkaas ayaa ugu badan kuwa doonaya in ay boorsooyinkooda qaataan.

Aniga aragtideyda waxay tahay in qofka doonaya in uu Sweden ka laabto oo u noqdo Soomaaliya uu buuxiyo labo shuruudood midkood, 1. In uu Sweden wax ka bartay oo doonayo in uu wadankiisii u faa’iideeyo, 2. in uu Sweden shaqo ku haysto oo lacag urursaday, sidaa darteedna doonayo in uu ganacsi ka abuuro Soomaaliya. Qofka aan Sweden labadaas midkoodna ka qaban ee doonaya in uu Soomaaliya ku laabto waxaan isleeyahay in uu dulsaar ku noqon doono wadanka hada soo kobcaya ee u baahan dib u dhiska.

Soomaaliya ma ahan meel cayr laga qaadanayo, ee waa wadan u baahan dadka waxbartay iyo kuwa waayo aragnimada shaqada iyo ganacsi wata.  Hadaba waxaan leeyahay “ninkii aan Sweden ka faa’idaysan, Soomaaliya waxba u faa’idayn maayo”. Sidee kula tahay adiga?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here