Cunsuriga ugu weyn Yurub oo Malmö soo booqanaya

9

Ninka lagu magacaabo Geert Wilders  oo ah gudoomiyaha xisbiga xoriyada (PVV) ee ka dhisan dalkaasi Holland ayaa booqasho ku imaanaya magaalada Malmö bisha Oktoobar si uu ugu hadlo waxa loogu yeeray xoriyada hadalka iyo in uu weeraro Muslimiinta caalamka iyo Islaamka.

Ninkaan ayaa lagu tilmaami karaa cunsuriga ugu weyn Yurub isagoo mudo sanado ah caado ka dhigantay aflagaadeynta Muslimiinta iyo umadaha kale ee ku nool Holland. Waa ninkii sameeyay filan loogu magacdaray Fitna oo lagu aflagaadeeyay diinta Islaamka. Waxaa kale oo uu Quraanka kariimka ah la barbar dhigay buugii Hitler.

Wilders ayaa waxaa marti qaaday urur aan sidaa loo aqoon oo lagu magacaabo Tryckfrihetssällskapet  oo dhisan magaalada Malmö. Waxaa sidoo kale ku hoos qarsoon xisbiga SD oo si weyn u soo dhaweeyay imaashaha aabahooda cunsuriyada.

Xisbiga uu hogaamiyo Geert Wilders ayaa Holland ka noqday kan sadexaad ee ugu weyn, isagoo xulufo la noqday xisbiga talada haya. Intii ay socotay xulufada oo hada burburtay ayaa waxa uu Wilders ku guuleystay in niqaabka laga mamnuuco Holland iyo in la adkeeyo siyaasada soo galootiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here