Malmö: Yuhuuda & Muslimiinta

19

Isbuucaan waxaa magaalada Malmö qarax loogu geystay goob ay ku cibaadaystaan dadka yuhuuda ah ee ku nool magaalada Malmö. Ka dib qaraxa ayaa boolisku soo xireen 2 dhalinyaro ah.

Magaalada Malmö ayaa noqotay goob caan ku ah naceybka ka dhanka ah Muslimiinta iyo Yuhuuda balse arinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in dhibaatooyinka loo geysto Yuhuuda lagu eedeeyo in ay ka dambeeyaan Muslimiinta qaasatan dadka carabta ah ee ka soo jeeda bariga dhexe.

Mowduuc lagu qoray wargeyska Expressen ayaa lagu soo bandhigay qisooyin ku saabsan macalimiin wax ka dhigta iskuulo ku yaala Malmö oo ay aflagaado iyo bahdil kale u geysteen ardada ay wax u dhigaan. Sheekooyinkaas ayaa waxaa ka mid ah markii uu Arday yar diiday in uu fasalka soo galo, markii macalinka uu waydiiyay sababta uusan u soo galeyn ayuu yiri Hooyo iyo Aabbe ma ogola maadaama aad Yuhuud tahay.

Dadka Yuhuuda ah ee ku nool Malmö ayaa tiradooda lagu sheegaa in ka yar 2000 qof iyadoo sanadihii dambe ay qaar badan isaga guureen magaaladaasi ka dib dhibaatooyin loo geystay. Inkastoo dhibaatooyinka loo geysto Yuhuuda ay lug ku leeyihiin cunsuriyiinta cadaanka ah ayaa hadana waxaa jira dad Carab iyo Muslimiin ah oo Yuhuuda kaga aarsanaya dhibaatooyinka lagu haayo Falastiiniyiinta.

Arinta la yaabka leh ah ayaa ah in dadkaas Muslimiinta ah ay ka cabanayaan in lagu hayo cunsuriyad iyo naceyb maadaama ay Muslimiin yihiin balse ay caadi la tahay in ay iyagu dhibaateen dadka Yuhuuda ah. Arintaas ayaa u muuqata mid foolxumo ah maadaama qofka Yuhuudka ah ee ku nool Sweden ee haysta dhalashada Sweden uusan wax dhibaato ah u geysan dadkaas. Isla markaana aysan sax ahayn in laga aarsado qof aan dambi galin.

Haddii Muslimiintu ay doonayaan in lala dagaalamo naceybka iyo Cunsuriyada ka dhanka ah Muslimiinta, waa in ay yaqiinsadaan in sidaasi si la mid ah loola dagaalamo cunsuriyada ka dhanka ah Yuhuuda. Sidee kula tahay adiga?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here