Dadka cusub oo cayrta laga badbaadinayo [Video]

9

Dadka ku jira xafiiska shaqada ee uu ka dhamaanayo waqtiga labada sano ah, ayaa laga leexin doonaa in ay galaan cayrta iyagoo lagu dari doono barnaamij lagu magacaabo (jobb- och utvecklingsgarantin) oo horay u jiray.

Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa mowduuc uu ku qoray bogga dowlada waxa uu ku sheegay in ay samayn doonaan isbedel ku saabsan barnaamijka lagu magacaabo Shaqada & Horumarinta (jobb- och utvecklingsgarantin), kaasoo fursad la siin doono dadka labada sano ee ay xafiiska shaqada ku jiraan aan shaqo ku helin.

Qofka ayaa marka uu ku biiro barnaamijkaan waxaa lacagta siin doona qasnada caymiska (Försäkringskassan). Xafiiska shaqada ayaa dadka hawlo u diri doona sida baraatiik iyo in ay tagaan shirkadaha la raadinaya shaqada (jobbcoach).

Sababta ka dambaysa arintaan ayaa ah in kamuuno badan ay cabasho ka muujiyeen in dadka cusub aysan ku filnayn labo sano in ay shaqo ku helaan. Oo marka waqtigaas dhamaado ay carabka u dhiganayaan sanduuqa cayrta. Dadka ugu horeeya ayuu waqtiga ka dhamaanayaa bisha December 2012.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here