War farxad leh…?

47

War farxad leh? War farxad leh? Alloow war farxad leh. Maanta waxaan doonayaa in aan ka hadlo arin beryahaan dambe soo laalaabatay oo akhristyaasha qaar ay leeyihiin “Jimcaale waxaad qortaa negative oo keliya, waxaad raadisaa ceebta Soomaalida”. 

Soomaalaay horta maxaa naga qaldan? Anigu warka ma alifo mana sameeyo, haddii uu farxad leeyahay iyo haddii usan lahayn labada waan soo qoraa. Inta badan waa soo turjumaa wararka ay qoraan warbaahinta Sweden. Intii aan Somaliska waday shaqadiisa waxaan soo qoray in ka badan 900+ mowduuc oo isugu jira waxkasta sida nolosha, shaqada, socdaalka, waxbarashada oo farxad, murugo iyo xiiso intaba leh. Negative iyo Positive intaba ah.

Mid ka mid ah akhristayaasha bogga ayaa soo qoray..

su,aal jimcaale sxb xilimaad sverige timi? run ahaantii wax wayn baa khaldan xaga suxufinimada waxaan kugula talin lahaa bro inaad kurs fara badan oo saxafada ah qadatid si aad wax dadku ku farxi karaan ama xiiso leh aad usoo qortid inta badan negative ayaad ka hadashaa kaliyata wax positive ah adoo qoraya ma jirto, iga raali ahow hadaan meel ka dhacay lakiin sidan wax ka badal. – MR NICE MAN

Waxaan leeyahay haddii aad war farxad leh hayso, oo xaqiiqo ah Mr Nice Man adigu soo dir emailkayga waxa uu ku qoranyahay Contact us. Somaliska waa bogg u furan Soomaalida Sweden oo qofkii bulshada wax fiican u haya waan soo daabacayaa mowduuciisa. Sverige xiligaan imid muhiim ma ahan. Arinta suxufinimada, waxaan filayaa in aad ku haminayso nidaamkii saxaafadii Soomaaliya, sxb kuwaas isku nidaam ma nihin. Aniga saxaafadayda waxaa lahaa Advocacy journalism. Ka eeg Wikipedia.

Arimaha socdaalka iyo Migrationsverket haddii war ka soo baxaan waan soo qorayaa ama ay jiraan wax kale oo xiiso u leh Soomaalida. Marka hala dulqaato, oo boggu kuma saabsana arimaha socdaalka oo keliya.

Mida kale, soo galootigu iyaga ayaa negativeka u badan ee anigu mana jeclaysan mana raadsan. Waa xaqiiqada wadanka ka jidha. Haddii aad  isleedahay wax ka badan arintaas, fadlan samee wax lagu farxo oo weyn si aan u soo qorno.

Qof ayaa shalay soo qoray in aan Islaamka ka qoray wax negative ah. taasi waa been abuur waligay kama qorin wax negative ah Islaamka, waan difaacaa oo waa diinteyda aan jeclahay. Waxaan soo qoraa waxyaabaha cunsuryiintu ay ka been abuurayaan Islaamka iyo Muslimiinta. WSC.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here