Qorshihii masaajidka looga dhisi lahaa Umeå oo fashilmay

5

Muslimiinta ku nool magaalada Umeå ee waqooyiga Sweden ayaa mudo ku haminayay in ay dhistaan masaajid weyn oo ay isugu yimaadaan. Muslimiinta ku nool Umeå oo lagu qiyaaso in ka badan 2000 ayaa waxaa la soo daristay xaalad adag ka dib markii uu fashilmay qorshihii halkaasi Masaajidka looga dhisi lahaa.

Masaajidka oo laga dhisi lahaa xaafada Ålidhem ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay ku baxayso lacag gaaraysa 25 milyan oo karoon taasoo ay awoodi waayeen in ay bixiyaan Muslimiinta Umeå. Lacagta ayaa noqotay sababta ugu weyn ee uu u fashilmay qorshaha Masjidka. Xitaa Muslimiinta ayaa la siiyay ogolaanshihii ay ku dhisi lahaayeen Masjidka balse nasiib daro lacagtii ayaa caqabad ku noqotay.

Qorshaha masaajidka ayaa ahaa in la dhiso dhismo aad weyn oo minaarat dheer leh, waxaa masaajidku yeelan lahaa goob lagu tababarto, kaffe, qeybta dumarka, qolka martida iyo qolka shirarka. Qorshaha masaajidka ayaa mudo socday iyadoo sanadkii 2006 la siiyay ogolaanshaha masaajidka. Qabanqaabiyaasha ayaa isku dayay in ay dowlada lacag ka raadsadaan balse arintooda lamaba eegin.

Waxaa nasiib daro ah in Muslimiinta Umeå oo la siiyay ogolaanshihii ay masaajid caalami ku dhisi lahaayeen aysan u suurto galin lacag owgeed. Arintaan ayaa ah fashil ku yimid guud ahaan Muslimiinta Sweden iyo kuwa caalamka oo aan gurmad u fidin dhisida guriga Allah.

 

Ume%C3%A5s%20muslimer%20%C3%A4r%20besvikna,%20Blev%20utan%20mosk%C3%A9%20

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here