Magan galyo doonka oo lagu taliyay in lacagta loo siyaadiyo

9

Lacagta la siiyo dadka aan wali sharciga qaadan ee magan galyo doonka ah ayaa lagu taliyay in la siyaadiyo. Labo ka mid ah xisbiyada talada haya ayaa ku baaqay in dib loo eego lacagta la siiyo dadka sharci sugayaasha ah maadaama ay kor u kacday qiimaha nolosha ee wadanka.

Maanta ayaa la siiyaa dadka magan galyo doonka ah  ee aan daganayn kaamamka lacag gaareysa 71 maalintii. halka kuwa kaamka degan ay qaataan 24 kr maalintii. Lacagtaas ayaan wax laga badalin ilaa sanadkii 1994 iyadoo hada xisbiyada Kristdemokraterna iyo Folkpartiet ay dalbadeen in dib loo eego arintaas oo haddii loo baahdo la siyaadiyo lacagta. Sixir bararka nolosha Sweden ayaa kor u kacay 26% ilaa sanadkii 1994.

Balse arinta ayaa waxaa isku qilaafsan xulufada dowlada. Xisbiga hogaanka u haya dowlada ee Moderaterna iyo xisbiga Centerpartiet ayaa iyagu aaminsan in aysan arintaan muhiimad lahayn. Oo ay ka haboontahay in qofka horta la siiyo magan galyo. Waxay ka cabsi qabaan haddii lacagta la kordhiyo in dad badan oo aan rajo ka lahayn in ay magangalyo ka helaan Sweden ay u yimaadaan lacagta oo keliya.

Ma ahan Sweden keliya wadamada doonaya in ay wax ka badalaan lacagta la siiyo magan galyo doonka. Wadanka Jermalka oo ah wadanka ugu qanisan Yurub ayaa bishii la soo dhaafay kor u qaaday lacagta dadka sharci la’aanta ah iyagoo ka dhigay 364 Euro.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here