Injineer ka shaqeeya qashinka

8

Ninka lagu magacaabo Bonnie waa nin Injineer ah oo jaamacada Umeå ka baxay balse mudo badan shaqo la’aan ku haysay Sweden. Qisada ninkaan oo ku nool magaalada Borlänge ayaa waxaa soo daabacay wargeyska Dalarnas Tidningen. Bonnie ayaa jaamacad xaga Fiisikiska uga baxay Nigeria isla markaana shahaado ka qaatay jaamacada Umeå oo ka tirsan jaamacada ugu afka dheer Sweden. Balse uma suurto galin in sahal shaqo ku helo.

Bonnie ayaa doortay in uu baraatiik ka sameeyo nadaafada qashinka taasoo uu sheegay in asxaabtiisa ay ku qosleen. Balse sababta uu u doortay ayuu sheegay in ay tahay si uu xiriir cusub uga sameysto goobta. Fikrada Bonnie ayaa ah in baraatiika shaqada qashinka ay fursad u noqon doonto in uu helo shaqo u qalanta waxbarashadiisa. Arintaas ayaan ka soo daahin Bonnie, isagoo ka dib baraatiigii qashinka shaqo ku meel gaar ah ka helay shirkada weyn ee Borlänge Energi halkaasoo uu ka shaqeeyo waaxda bixinta korontada.

Mar uu ka hadlaayay sababta uu markii hore u aqbalay baraatiiga shaqada qashinka ayuu yiri Bonnie

– Waxaan u arkay in ay tahay fursad aan dad cusub ku baran karo, oo aan ku soo bandhigi karo shaqsiga dhabta ah ee aan ahay.

Bonnie ayaa ah nin furfuran oo aan isla weyneyn. Waxa uu nolosha ka eegay dhinaca wanaagsan. Luuqada Swedishka ayuu si fiican uga hadlaa balse waxa uu aaminsanyahay in wali uu barasho ku jiro. Dhinaca kale, waxa uu aaminsanyahay in xirnaashaha Swedishku ay tahay dhibaatada hortaagan in soo galootigu shaqo helaan. Waxa uu sheegay in qofku uu luuqada ku baran karo shaqada oo aan shuruud looga dhigin inta uusan shaqo helin. Waxa uu ka dhawaajiyay in soo galootiga oo dhan aysan Sweden u imaan in ay cayr qaataan balse uu doonayo in uu shaqeysto oo reerkiisa biisho, isla markaana dib ugu faa’ideeyo Sweden.

Inkastoo shaqada uu hada helay ay tahay mid ku eg xiliga xagaaga oo keliya, ayaa Bonnie ku rajo weynyahay in uu helo shaqo rasmi ah. Inta uusan shaqada helin ayaa waxaa u go’naa tikitkii uu Sweden kaga bixi lahaa, isagoo ku sii jiiday dalkaasi Ingiriiska. Balse markii loo sheegay in shaqo ku meel gaar ah la siiyay ayuu iska dhaafay safarkii.

Sheekada Bonnie ayaa la mid ah dhibaato shaqo la’aan oo haysata qaar badan oo ka mid ah soo galootiga. Inkastoo nidaamka wadankaan uu adagyahay ayaa hadana mararka qaar waxaa eeda la saari karaa qaar ka mid ah soo galootiga oo aan dhinaca wanaagsan wax ka eegin, isla markaana iskala weyn in ay qabtaan shaqooyinka hooseeya. Aniga laftayda ayaa wadadaan soo maray oo intii aanan wadanka shirkada ka furan waxaan ka soo shaqeeeyay jarida cowska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here