Gudoomiyaha degmada Nässjo “Cunsuriyad ma ahan”

30

Dhacdadii aan shalay soo qornay ee ku saabsan soomaalida ku nool tuualada Forserum ee ka tirsan kamuunka Nässjö ayaa wali ku sii baahaysa warbaahinta Sweden. Xalay ayaa waxaa dood badan arintaan ka yeeshay telefishinada Sweden iyadoo uu ka hadlay wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Dhinaca kale, maamulka kamuunka iyo booliska ayaa arinta ka yeeshay kulan degdeg ah iyadoo looga hadlay in arintaan wax laga qaban doono. Gudoomiyaha degmada Nässjö ayaa dadka caraysiiyay ka dib markii uu ku tilmaamay dhacdada in aysan ahayn cunsuriyad balse ay tahay dhalinyaro caruur ah ficilkooda. Sababta ay dhalinyaradaan Soomaalida keliya u raadsanayaan oo gacan ka hadal iyo aflagaado ugu geysanayaan ayaa iska cad in ay tahay cunsuriyad. Duqa magaalada ayaa xitaa wargeyska Aftonbladet u sheegay in ay yaqaanaan dhalinyaradaan oo uu ku sheegay 5-10 qof oo da’dooda u dhaxayso 15-20 sano.

Midka mid ah Soomaalida ka shaqeysata Forserum oo lagu magacaabo Mohammed Diriye ayaa u waramay Aftonbladet isagoo sheegay in isaga laftiisa gacanta ay u qaadeen cunsuryiinta. Waxa uu sheegay in booliska uu arinta gaarsiiyay oo xitaa uu hortooda farta ku fiiqay ninkii gacanta u qaaday balse aysan boolisku waxba ka qaban oo ay warqado uun qorteen.

Arinta ugu daran ayaa haysata caruurta Soomaalida ee Forserum oo aan shalay iskuulkii tagin. Soomaalida ayaa hada waxaa duqa magaalada ugu hanjabay in lagu dacweyn doono Hay’ada qaabilsan iskuulada maadaama ay Sweden waajibtahay in waalidku caruurta iskuulka u diraan. Caruurta ayaa sheegay in lagu aflagaadeeyo wadada oo dhagaxaan lagu tuuray. Ereyada lagu yiri caruurta ayaa waxaa ka mid ah “neger” iwm.

Dhinaca kale dadka degmada ayaa u istaagay taageerada Soomaalida. Bogga Facebook ayaa laga abuuray bogg lagu magacaabay “Ja till somalier i Forserum” kaasoo ay ka mid noqdeen dad ka badan 700 qof. Waxaa sidoo kale la abuuray mid ka soo horjeeda oo loogu magacdarey “Nej till somalier i Forserum!” oo isagana ay ka mid noqdeen 200 qof. Habeenka Jimcaha ayaa la qorsheynayaa in degmada lagu qabto socod lagu taageerayo Soomaalida.

Xaalada haysata Soomaalida Forserum ayaa ah mid saamayn guud ku yeelanaysa guud ahaa Soomaalida ku nool Sweden. Haddii sida ay ku talisay jaaliyada Soomaalida ee tuuladaas ay isaga guuraan degmada waxay dhalin kartaa cawaaqib xumo weyn oo wada saamaysa Soomaalida. Haddiise ay u istaagaan xaqooda oo ay muujiyaan geesinimo iyo isku duubnaan waxay keeni doontaa magac wanaagsan. Soomaalida ayaa beryahaan dambe waxay noqdeen wado lagu socdo oo “wixii xunba xaawaa leh” laga dhigay. Soomaalida Forserum waxay u baahanyihiin taageero, waxaan ku talinayaa in loo gurmado oo loo muujiyo in aysan kaligood ahayn. Haddii aan ka cararno cunsuriyada, nagama harayso ee meelkasta ayay naga saarayaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here