Gabar Soomaali ah oo la baadi goobayo [Waa la helay]

6

Gabar yar oo 6 sano jir ah oo lagu magacaabo Bushra Khalif oo booqasho ku joogtay magaalada Gislaved ayaa la baafinayaa ka dib markii la waayay talaadadii saacadu markay ahayd kl. 13. Bushra ayaa la sheegay in aysan luuqada Swedishka ku hadli karin.

Markiii ay cadaatay in gabadha yar ay maqantahay ayaa durbadiiba booliska la wargaliyay iyagoo baadi goob balaaran bilaabay oo xitaa helikobtaro lasoo kiciyay balse ilaayo hada lama soo sheegin in la helay bushra iyo in kale. Qof ayaa booliska u sheegay in uu gabadha yar arkay iyada oo ku ciyaaraysa goob u dhow Gullvivaskolan balse lama sheegin haddii ay cid wehlisay iyo in kale.

Booliska ayaan ilaa hada hubin sababta ka dambaysa dhumitaanka gabadha yar, waxay sheegeen in aysan sheegi karin in la qaatay iyo in kale. Cidii aragtay ama warbixin ka haysa gabadha yar fadlan hala xiriirto nambarka 11414 ama booliska.

WAR CUSUB: Bushra waa la helay. Booliska ayaa ka soo helay meel 7 km u jirta magaalada Gislaved. 

Gabadha yar ayaa la sheegay in ay la socotay hooyadeed iyo walaalaheed oo soo booqday qaraabadooda, waxay ku noolyihiin dalka Germalka. Aabaha dhalay gabadha oo ku nool Germalka ayaa boolisku la xiriireen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here