Fagersta oo soo bandhigtay qorshe Soomaalida ganacsiga lagu barayo

8

Kamuunka Fagersta ee gobolka Västmanland oo ay ku noolyihiin Soomaali garaaysa 300 qof.,ayaa bilihii la soo dhaafay waxay doonayeen in Soomaalida laga caawiyo sidii ay u fahmi lahaayeen sida ganacsi looga sameeyo Sweden. Kamuunka ayaa waxa uu hawsha u dhiibay 7 arday oo waxbarasho sare ka dhigata jaamacadaha ugu waaweyn Sweden sida Umeå Universitiet iyo Chalmers tekniska högskola.

Ardada ayaa laga dalbaday in ay soo bandhigaan qaab fudud oo Soomaalida loogu dhiiri galin karo ganacsiga isla markaana lagu fahansiin karo sida wadankaan ganacsi looga abuuro. Ka dib dhowr isbuuc oo wareysiyo iyo baaritaano ku saabsan dhaqanka Soomaalida, xaalada Soomaaliya iyo iwm ayaa shalay waxay ardadii soo bandhigeen qorshahooda.

Bandhiga oo ay ka soo qeyb galeen maamulka ugu sareeya kamuunka sida gudoomiya degmada, ayaa lagu bilaabay xaalada Soomaalida oo laga waramay. Ardada ayaa sheegay in Soomaalidu yihiin dad ganacsiga ku wanaagsan wadankooodii iyo wadamada kale balse halkaan ay ku jiraan xaalad adag.

Ardada ayaa waxay soo bandhigeen qorshe ka kooban sadex qeybood oo ay ugu horeyso in Soomaalida loo qabto seminaar lagu dhiiri galinayo in ay ganacsiga sameystaan, oo ay bixiyaan dadkale oo Soomaali ah oo wadanka horumar ganacsi ka sameeyay. Talaabada labaad ayay ku soo bandhigeen koorso gaaban oo Soomaalida lagu barayo dhamaan waxyaabaha ay u baahanyihiin sidii ay ganacsi uga sameyn lahaayeen Sweden, koorsda ayaa lagu bixinayaa Af-Soomaali. Talaabada ugu dambeysa ayay soo bandhigeen foomamkii la buuxin lahaa oo aad loo fududeeyay oo sawiro lagu sameeyay si qofkasta u fahmo.

Arinta ay soo bandhigeen ardaydaan ayaan aad ula dhacay runtii oo aan isleeyahay waa mid wax ku ool ah. Kamuunka ayaa sheegay in ay arintaan ka dhabaynayaan oo sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku qaban doonaan seminaarka ugu horeeya qorshaha. Haddii Soomaalidu ay muujiyaan rabitaan ku aadan arintaan, isla markaana ay si niyad ah uga qeyb qaataan koorsada ayay arintaan noqon kartaa mid guul laga gaaro. Kamuunka Fagersta ayaa u muuqda mid ay daacad ka tahay sidii ay Soomaalida u caawin lahaayeen, isla markaana kor ugu qaadi lahaayeen xaalada guud ee degmada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here