Dhibaatada kala haysata waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ee Sweden

21

Xiriirka u dhexeeya waalidiinta iyo caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden ayaa waxa uu yahay mid ku sugan xaalad cakiran xiligaan lagu jiro. Waxaa muuqata in waalidiinta Soomaaliyeed ay ku fashilmeen in ay xakameeyaan caruurta ama in uu isfahan dhexmaro. Isfahandarada dhextaala waalidiinta iyo caruurta ayaa waxay gaadhay in waalid badan xabsiga ku galaan ama laga qaato caruurtooda.

Hadaba xagee ayuu qaladku ka jiraa? dhibaatada jirta ayaa ah mid dhowr geesood ah, balse qaladka ugu weyn waxaa iska leh waalidiinta oo ay muuqato in aysan fahmin xaalada cusub ee ay soo galeen. Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa isku daya in ay sidii Soomaaliya iyaga oo ku nool ay ula dhaqmaan caruurtooda, taasoo halkaan ku dhamaan garta cawaaqib xumo aad u weyn. Soomaaliya caruurta waxaa lagu xakameyn jiray dil iyo cadaadis balse arintaas halkaan ka socon meyso. Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in waalidiin badan ay yihiin kuwo aad waxbarashadooda u hooseysa oo taasi ay keeneyso in caruurtu ay ka xariif sanaadaan waalidka.

Waxaa intaas sii dheer in waalidiinta Soomaaliyeed aysan helin macluumaad sax ah ama ku filan oo ku aadan sidii ay caruurtooda ula tacaali lahaayeen marka ay yimaadaan wadanka Sweden. Soomaalida ayaa waxay iska dhaadhiciyaan sheekooyin been abuur ah sida in caruurtu ay leeyihiin maamulka iyo awooda, taasoo keenta in waalidku uu ka cabsado caruurtiisa. Markaad eegto dhinaca Swedishka ayaysan taasi sax ahayn, caruurta Swedishka ayaa waxaa loo cadaadiyaa si aad u adag balse waxaa meesha ka maqan gacan qaadista Soomaalida caadada u ah.

Waalidiinta Swedishka ayaa isticmaala cadaadis ah in caruurta lala hadlo, ama si maskax ah loo cadaadiyo, sida in laga yareeyo waxyaabaha farxada ah ee caruurtu ay jecelyihiin, in aan lala hadlin, in lagu soo xiro qolkooda iwm. Caruurta ayaa loo sameeyaa balan qaadyo kala duwan oo ku xiran dabeecadda wanaagsan ee ay soo bandhigaan. Arinta ugu muhiimsan ee ay sameeyaan waalidiinta Swedishka ayaa ah in ay xiriir joogto ah iyo wada hadal la sameeyaan caruurtooda. Halka waalidiinta Soomaalidu aysan caruurtooda la sheekeysan. Caruurta in la yaso ayaa ah dabeecad Soomaalidu ay leeyihiin balse ah mid qaldan. Caruurta waxaa la doonayaa in loola sheekeysto sida dadka waaweyn. waa in loo muujiyaa in ay leeyihiin masuuliyad.

Haddii ay xaaladu ku sii socoto sida ay hada tahay ayaa waxaa soo badan doona qilaafaadka u dhexeeya waalidiinta iyo caruurta. Waxaa iska cad in waalidiinta iyo caruurtu ay ku kala noolyihiin laba qaaradood. Caruurta ayaa ah kuwo si degdeg ah ula qabsada wadanka isla markaana samaysta asxaab cusub. Halka waalidiintu aysan wali ka soo dhaqaaqin Soomaaliya, waa kuwo har iyo habeen ku jira “maxaa la yiri” halkii ay la socon lahaayeen caruurtooda.

Waxaa loo baahanyahay in waalidiinta Soomaalidu ay yeeshaan xiriiro iyo wadalo ku saabsan arintaan. waa in ay raadsadaan talooyin iyo cidii kaga aqoon badan arinta si laysku way daarsado fikradaha. Waa in waalidiintu ay noqdaan kuwo muhiimada siiya wadanka cusub ee ay yimaadeen iyo in ay fahmaan waxyaabaha ay caruurtooda sameeyaan, cida ay la saaxiibka yihiin. Muhiimadu waa in ay la wareegaan maamulka iyagoon isku dayin in ay gacan ka hadal ku xaliyaan arinta. Waxaa qaasatan ugu daran caruurta cusub ee wadanka la keenayo oo ay ka dhaadhacsantahay waxyaabo badan oo looga sheekeeyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here