Cunsuriyiinta, Qaniisiinta iyo Mudaharaadka

16

Maanta waxaa magaalada Stockholm ka dhacay dibad baxyo dhowr ah oo iska soo horjeeda. Sidii aan horay u soo qoray waxaa magaalada isugu soo ururay cunsuriyiinta neceb Islaamka oo ka kala yimid daafaha caalamka iyagoo ku qabtay bandhig qudbado laga jeediyay bartamaha magaalada Stockholm. Cunsuriyiinta ayaa tiradooda lagu qiyaasi karay ilaa 200-300 qof.

Dhinaca kale meel u jirta qiyaastii 100 mitir ayaan waxaa ka qeyb galay mudaharaad weyn oo isagana lagaga soo horjeedo cunsuriyiinta magaalada timid. Mudaharaadayaasha oo aad u fara badnaa ayaa ku qeylinay “Wadooyinkeena u dooni mayno cunsuriyiin” iyo hadalo kale oo ku waas la mid ah. Goobta ayaa waxaa xiray booliska oo xaqiijinayay in aysan isku imaan labada kooxood. Dhowr jeer ayaa meesha qalalaase ka dhacay iyadoo “baaruud” lagu garaacay booliska iyo kulanka cunsuriyiinta. Booliska ayaa dhinacooda isticmaalay sunta indhaha ka ilmaysiisa iyagoo xiray ilaa 3 wiil oo ka mid ah kuwii cunsuriyiinta ka soo horjeeday.

Isla goobta uu ka dhacayay mudaharaadka ayaa sidoo kale waxaa ka socday bandhiga sanadkasta lagu qabto Stockholm ee lagu magaaco “Pridefestivalen” halkaasoo ay isugu soo urureen Qaniisiinta ragga iyo dumarka ah ee isaga yimid caalamka. Cunsuriyiinta ayaa isku dayay in ay ka qeyb galiyaan qaniisiinta mudaharaadkooda, iyagoo sheegay in ay leeyihiin hal cadow oo ah Islaamka. Balse qabanqaabiyaasha bandhiga Qaniisiinta ayaa ka biyo diiday arintaas, iyagoo sheegay in iyagu aysan jecleyn cunsuriyiinta maadaama uu fikirkooda ku dhisan yahay koox tagoor. Waxay sheegeen in aysan ogolaan doonin in cunsuriyiintu ay isticmaalaan magacooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yaab ahayd in goobta uu ka dhacayay muhadaraadka looga soo horjeedo cunsuriyiinta ay aad ugu yaraayeen dadka soo galootiga ah, iyadoo ay hogaanka u hayeen dhalinyarada Swedishka ah oo runtii si qiiro leh uga hortagay kulanka cunsuriyiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here