Aabayaasha oo dagaal ugu jira masuuliyada caruurtooda

9

Waalidiinta isku qabsata masuuliyada caruurta ayaa soo siyaadaya sida lagu soo bandhigay warbixin ay qortay idaacada Sweden. Marka ay kala tagaan aabaha iyo hooyada ayaa masuuliyada caruurta waxaa la siiyaa hooyada, balse waxaa hada soo kordhay aabayaasha diidan in ay ka haraan caruurtooda.

Dowlada ayaa isbedal ku samaysay nidaamka masuuliyada caruurta sanadkii 2006 kaasoo lagu go’aamiyay in labada waalid midka lagula kacay gacan ka hadalka uu qaadanayo masuuliyada caruurta. Waxaa go’aanku ahaa in danka ilmaha laga hormariyo tan waalidka. Taasoo inta badan keenta in hooyada si gooni ah loo siiyo masuuliyada caruurta.

Xarunta familada ee Göteborg ayaa ka mid ah goobaha ay ka dhacaan dacwada u dhaxaysa waalidinta isku haysata caruurta. Shaqaalaha xarunta ayaa sheegay in ay labo jibaar noqotay dacwooyinka ay helayaan ee ay sameynayaan aabayaasha doonaya in ay qeybtooda ka qaataan masuuliyada caruurtooda. Haddii xaruntu ay xalin weydo qilaafka ayaa arinta waxaa loo dirayaa maxkamada taasoo aan u wanaagsaneyn danta caruurta.

Sanadkasta ayaa Sweden waxaa kala tagga waalidku ay saameyn ku yeelataa 50 000 caruur ah. Warbixinta ayaa ku saabsan guud bulshada Sweden balse si gooni ah haddii loo eego xaalada Soomaalida ayay inta badan dhacdaa in hooyada la siiyo caruurta marka uu qilaaf dhex maro aabaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here